Madax-Dhaqameed Sheegay In Cabdiraxmaan Cirro Uu Cid Gaar Ah Ku Wareejiyey Dhaxalkii Uu Beesha Balli-Gubadle U Ballanqaaday

0
7

Waxaa Ay Cambaareeyeen Qaraar Shalay Lagu Kala Saxeexday Dhaxal-wareejinta Guddoonka WADDANI Cirro Dabadii, Oo Ay Qalinka Ku Duugeen Labada Suldaan Ee Beellaha Galbeedka BURCO Iyo GOBOLKA HAWD

“Waxaanu Ogaanay In Madmadow Badani Soo Galay Arrintii Uu Guddoomiye Cirro, Beesha Gobolka HAWD Ugu Ballan-qaaday In Dhaxalka Xisbiga WADDANI Lagu Wareejin Doono Beesha Gobolka Hawd, Waxaana noo Caddaatay….”

untitled

Hargeysa (Hubaal) – Madax-dhaqameedka Beesha Gobolka Hawd Ayaa Ka Digay Cidhib xumada ka dhalan karta in la marin habaabiyo qaraarkii uu guddoomiye Cirro ku wareejiyey dhaxalka xisbiga WADDANi ee dhex maray waxgaradka gobolka Hawd iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Salaadiin, Cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda deegaanka gobolka Hawd oo shir jaraa,id ku qabtay shalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddoomiye Cirro uu cid gaar ah ku wareejiyey kursiga hogaanka xisbiga WADDANI. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan farriin dheer iyo mid gaabanba uga dirayaa arrintii ka soo baxday warbaahinta ee gudoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay inuu guddoomiyaha xisbiga uu uga kacayo beesha gobolka Hawd, arrintaas mar hore oo aanu ka hadalnay waxaanu ku nidhi waanu kaa guddoonay annaga oo dhaqankii gobolka ah, intaas ka dib waxaanu ogaanay inaanay arrintu ahayn sidii naloogu sheegay balse ay jiraan kooxo gaara oo shir doceedo waday, arrintaasna waanu ka ergaynay oo waxaanu nidhi shir doceedyada hala joojiyo, shakhsiyo gaara ayaana hawshaas wadata, markaa waxaanu sheegaynaa in arrintaas nalaga ergo diiday aanay ahayn tii aanu ku wada hadalnay hoggaanka xisbiga beel ahaan iyo gobol ahaanba, arrinkaasna wixi ka yimaada cidii hawshaas fulisay ayaa leh.” Sidoo kale suldaan Cabdilaahi Laydh oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Markii guddoomiye Cirro sheegay inuu guddoomiyaha xisbiga u banaynayo gobolka Hawd, waxaanu nidhi waxaanu uga tashanaynaa qabiil ahaan dibna waanu isku noqonaynaa, arrintaasna rajadeedii aanu sugaynay inaanu qabiil ahaan uga tashano markii aanu isku nimid waxa cadaatay in cid gaar ahi sidatay qoraal lagu siiyey balse aan la siin beesha, waanu ka ergaynay labadii garab, garabkii labaad saaka [shalay] oo u danbaysay waxaanu nidhi waar noo joojiya, run ahaantiina nalooma joojin waxaana nalagu yidhi waa arin dhamaaday.” Caaqil Khadar Bacood oo isaguna ka hadlay shirka jaraa,id ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Halkan waxaanu iskugu nimid inaanu ka cadayno arrintii hore ee salaadiinta dhaqanka gobolka Hawd ay dadkooda u sheegeen in lagu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Waddani, arintaas mad madow badan ayaa soo galay waxaana si cad u muuqata inaan gobol, beel iyo umad aan waxba la siinayn ee dad gaar ahi ay si wax u mindi roortaynayso.” Ugu danbayna Jiif Caaqil Axmed Ciise Cumar oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan la qabaa salaadiinta hadal ka soo baxay guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo uu yidhi kursiga gudoomiyaha xisbiga waxaan uga kacayaa beesha gobolka Hawd, arrintaasi waxay ahayd boro bogaando uu cod kaga doonayo beesha ee laakiin aanay wax rasmiya ahayn, salaadiintu way ka gudoomeen waxaana ka xigay in laga soo tashado cida la siinayo iyo sida loo taageerayo taas oo waxba kama jiraan ka noqotay oo uu marka hore-ba cid gaar ah tunka ku sitay.” Ayay yidhaadheen. Cambaarayntan ayaa ka dembeysay kadib markii Dhinaca Kale Kulan Xogtiisa Saxaafadda Laga Dhawray oo shalay ka dhacay magaallada Hargeysa ay labada hoggaan ee dhaqanka ee Beesha Gobolka Hawd ee uu kasoo jeedo Xil. Cabdiqaadir Jirde Iyo Beesha Galbeedka Burco ee Uu Kasoo Jeedo Guddoomiye Cirro ay qalinka ku duugeen heshiis rasmi ah oo muujinaya in Guddoomiyenimada xisbiga WADDANI Cirro dabadii ay la wareegi doonaan beesha gobolka Hawd oo uu hor kacayo xil. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde.

Kulankan oo ay kala hoggaaminayeen suldaanka guud ee beellaha Arab Suldaan Cumar Suld. Maxamed Suld. Faarax iyo Suldaanka Guud ee Beesha Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen guddiyada horumarinneed ee labada Beellood Ee Gobolka Hawd iyo Galbeedka Burco ee loo kala yaqaanno AFGARAD & TALO IYO TAWFIIQ ayaa waxaa si rasmi ah ay labada suldaan qalinka ugu duugeen heshiiska ay kula kala wareegayaan guddoomiyenimada xisbiga, kaasi oo Cabdiraxmaan Cirro dabadii uu guddoonka la wareegi doono xil. Cabdiqaadir Jirde.

Ma Jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kulankaasi oo si adag loo ilaaliyey xogtiisa hase yeeshee ilo ka agdhawaa madashaasi shalay ayaa wargeyska HUBAAL xalay u xaqiijiyey in lala kala wareegay dhaxalkii xisbiga.

Kulankan waxaa iyaguna goob joog ka ahaa oo saxeexa ka marag ahaa labada guddoomiye ee heshiisku u kala weydaarin doono xilka xisbiga [Cabdiraxamaan Maxammed Cabdillahi (Cirro Iyo Xil. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde]. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa xubno ay kamid ahaayeen Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Maxamed Cismaan Fadal oo iyagu dhinaca Cirro la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here