Xisbiga WADDANI Oo Madal Aan Ujeeddadeeda La Fahmin Ku Qabsaday Magaalada Hargeysa

0
17

Xisbigu Waxa Uu Hargeysa Ku Qabsaday Munaasibad La Majaro-habaabiyey Oo Kharash Mooyaane Aan Dheef Kale Laga Helin

hogaanka xisbiga waddani

Hargeysa:(Hubaal)-xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ayaa  munaasibad aan macnaheeda la fahmin ku qabsaday magaalada Hargeysa, taas oo ay hadallo kala ujeeddooyin ah ka jeediyeen xubno u badan siyaasiyiin dhawaan xisbigaas ku biirtay.

Munaasibadda xisbiga WADDANI oo lagu qabtay Hutel Guleed ee magaalada Hargeysa, ayaa markii hore ujeeddadeeda lagu sheegay in guddoomiyenimada xisbigaas loogu cumaamadayo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxana lagu casuumay bulsho kasoo jeedda deegaanada gobolka Hawd, balse taasi way beenowday oo waxa ay munaasibaddu noqotay mid khudbado kala duwan uun laga jeediyo.

Bulshadii munaasibadda kasoo xaadirtay oo ku-talogalkoodu ahaa inay markhaati ka noqdaan la wareegista guddoomiyenimada ee xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaan arag wax mansab-wareejin ah, waxana dhegaysanayeen khudbado aanay markoodii hore kusoo talo gelin, waxana lagu maaweeliyey in iyaga laftooda lasoo dhaweynayey.

Munaasibadda uu xisbiga WADDANI qabsaday  noqotay mid xisbiga kusoo kordhisay kharas lacageed oo kali ah, ayaa ugu dambayntii kusoo dhammaatay hadallada siyaasiyiintu jeediyeen, waxana bulshadii halkaas kasoo xaadirtay madasha ka dareereen iyaga oo aan fahmin sababta ay meesha u yimaadeen.

Ugu dambayntii munaasibadda bilaa ujeedada ah ee xisbiga WADDANI ku qabsaday magaalada Hargeysa, ayaa si weyn loo hadal hayaa, waxana hoggaanka xisbigu uu bulshadii halkaas ku sugnayd ku sheegay taageerayaal cusub oo xisbiga kusoo biiray, balse meesha laguma arag hal siyaasi oo la odhan karo xisbiga ayuu kusoo biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here