HORSEEDKII NABADAYNTA W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar

0
13

“Taariikhdu wa inoo misbaax, maanka caawima e,

Adoo male gudaayaad yiqiin, marar ku gaadhaa!” – Xaaji Aadan Axmed “Af-qallooc”.

“Nabaddu waa isku kalsooni, xasillooni iyo miyir-qab. Waa furaha suureeya nolosha. Waxay leedahay kal caafimaad-qabta iyo kaalin-qaadasho. Waa naxariis, kalgacal iyo heellanaan qofka kashiisa iyo ereygiisaba debcisa. Waxay fursad siisaa waajibaadka. Waa dareen miyir iyo miisaan leh oo lagu seexdo, laguna soo tooso. Waa naawilka nolol habhaban oo mar walba qofka hiyigiisa nadiifisa. Ugu dambayntiina, Nabaddu waxay horseeddaa horumar iyo guulo la gaadho.” – (Hadraawi, 2012)[i].

Nabadda Somaliland waxa fure u ahaa hub-ka-dhigistii meelayshiyooyinkii beelaha oo suurtogalisay abuurista ciidamada qaranka Somaliland. Hub-ka-dhigista waxa horseed ka ahaa halyeeyo badan oo aan la hilmaami karin. Halyeeyadaa waxa ka mid ahaa ama ugu mudnaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya xuskii sannadguuradii 23aad ee aasaaska ciidamada qaranka Somaliland February 2, 1994, waxa uu yidhi: “Waxaan xusayaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo aan la illaawi karin sidii geesinnamada lahayd ee uu ugu dhiirraday, isla markaana uu horseedka uga noqday in uu dad hortii fagaare ku wareejiyo ciidankii iyo hubkii ay gaarka u lahaayeen beelweyntii uu odayga u ahaa.”

Sannadkii 1994, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa Istaadiyamka Hargeysa ku wareejiyay hubkii beesha Arab Dawladdii Madaxweyne Cigaal. Waxa uu yidhi Marxuum Cigaal; “Waa Suldaankii ii hiiliyay markii labadii qolo ee kale ee reer Hargeysa iga jaakidheen, marnaba ma illaawayo, cid kale na ma ictiraafsani.” (Gees, 2017)[ii]. Waxay ahayd xaalad adag oo u baahan go’aan-qaadasho habboon, go’aanka Suldaankuna waxa uu ictiraaf u ahaa ambaqaadkii hannaanka dawladnimo.

?
?

Ka sokow halganka hubka lagu dhigayay, Suldaanku waxa uu sidoo kale kaalin cuddoon ka qaatay halgankii hubaysnaa ee dibuxoraynta dalka. Waxa uu astaan u ahaa hoggaaminta suubban ee samatalisnimada ku dhisan. Curashadii nabadda waxa ka abuurmay geeddi nololeed oo lagu wada naallooday. Geeddigaa nololeed waxa uu salka ku hayay hanaqaadka dawladnimada Somaliland.

Marka laga duulo duruufaha siyaasadeed iyo wacyiga bulsheed ee maanta lagu sugan yahay, xuska iyo xusuusta halgamayaasha dhismaha qarannimada iyo taabbagalinta Somaliland ayaa ka macne ballaadhan muunaynta qodimmadii kaalmaha cuddoon ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee SNM. Taas macnaheedu ma aha ha la ilduufo oo taariikh ummadeed ayay ahayd. Waxay se ahayd taariikh aan la iska wada dhex arki karin oo aan marnaba waafiqi karin himilooyinkeenna ummadnimo ee ah jiritaanka qaran loo dhan yahay oo dunida ka mid ah.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax AHN maanta hiil ayuu inooga baahan yahay. Ka sokow inaynnu u ducaynno, waxa hiil u ah inaynnu u hiilinno wixii uu u hiilin jiray. Waxa kale oo hiil u ah inaynnu muunaynno magaciisii iyo halgankiisii labadaba. Magaciisu maanta wuxu ku suntan yahay dugsi sare oo loogu magac-daray, lagana hirgaliyay Hargeysa. Dugsigaasi waa qabyo, waxaanu u baahan yahay in la qabyo-tiro. Dawladda iyo dadweynaha; mucaaradka iyo muxaafadka; nabaddaa uu horseedka ka noqday ku liibaanay ayay masuuliyaddaasi saaran tahay. Dhammaanteen ayay masuuliyaddaasi ina saaran tahay.

[i] Hadraawi, Maxamed Ibraahin. Erey ku saabsan Nabadda. Weedhsan Magazine, Vol. 1. Issue 1, 2012

[ii] Gees, Maxamed Siciid. Doorkii Bulshadu ku lahayd Nabadaynta. Dharaaro Xusuustood. 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here