Saamaynta Sharci Iyo Siyaasadeed Ee Facaa’ilkii Guddoomiyaha Wakiiladdu Ay Ku Yeelan Doonto Labada Gole

0
21

Saamaynta  Sharci Iyo Siyaasadeed Ee Facaa’ilkii Guddoomiyaha Wakiiladdu Ay Ku Yeelan Doonto Labada Gole!!! Wq: Cali Xasan Cawale.

Marka hore waxaan soo dhaweynaya ansixintii labada gole ay ansixiyeen in dawlada Somaliland ay saldhig milateri ka siiso magaalada berbera , wadamada carabta, waxanan u arkaa in xukuumadu waajibaadkeedi ka soo baxday, mar hadii ay labadii gole usoo bandhigtay mawduucan, halkaana ay cod aqlabiyada ku ansixiyeen mawduucan , taasi waxay noqonaysa (Alaalow eed la,an).

Marka xigta ficilkii shirgudoonka golaha wakiiladu kaga baxay fadhigii golaha golaha , waxa u ahaa mid ,  mid meel ka dhac  ku ah baratakoolka, nidaamka sharci, sumacada iyo karamada masuuliyada  qaran ee u hagoogan yahay shirgudoonku iyo karaamada golayashaba . kaasi oo ahaa mid aan haboonayn marka laga eego dhinac kasta isla markana laf jab ku ahaa habdhaqanka hogaaminta siyaasadeed, ee gudoomiyaha golaha wakiilada, sidoo kalana burinayey sharciyada golaha .

Hadaba waxan hakan  hoose si kooban ugu  iftiimin doona qodobada uu ficilkaas guddomiyuhu meel kadhac ugu ahaa arrimaha aan sare ku soo xusan wana sidan:-

1-            Waxa hubaal ah in  gudoomiyuhu uu shirgudoon  u yahay  xubnaha golaha  dhamaantood, xubnahaasi wa hubaal in mawduucyada noocan oo kale ah  ee golaha horyimaada ay ku kala afgaar iyo aragti duwanyihiin,  sidaa awadeed  dhamaan golaha kala afgaarta iyo aragtida duwan guddoomiyuhu waxa uu yahay  (Chairman) shirgudoon, xata asagu afgaar ahaan dhinacba ha raacsanaade, hadaba miyaanay ahayn   meel ka dhac  iyo ficil xun in uu  guddomiyihi goluhu ka baxo  fadhiga golaha wakiilada, kadib markii u arkay in aqlabiyadii golaha wakiiladu ay afgaar ama aragti ahaan ka soo horjeedan tan uu aminsanyahay guddoomiyaha iyo xubnaha 6 da ah ee ay wadaagayeen aragtida? Tani waxay muujinaysa  in aanu guddomiye ciro aanu  ixtiraamayn marnaba  aqlabiyada xubnaha golaha wakiilada , ee aragti ahaan ka duwan tan uu qabo. Arrintaasi waxay ahayd mid meel ka dhac ah  oo wiiqday sumcada hogaaminta  siyaasadeed e guddomiyaha  , isla markana  waxay iftiiminaysay  in guddomiyuhu hadba inta afgaar iyo aragti la wadaagta, uu shirgudoon u yahay. Balse aanu shirgudoon u ahayn xubanaha kale ee aan aminsanayn afgaarta iyo aragtida u qabo.

2-            Sida aan wada ognahay golayaasha wakiilada ee dunida, markastaba way dhacdaa in mawduucyada noocan oo kale ah ee la horkeeno ay ku kala aragti iyo afgaarba duwanaadan xubnaha golahaasi, laakin sharciyada u taala waxa weeyi, in cod la galiyo mawduucaas, kadib natiijada codkaas  oo ah in la raaco majority , ama haldheeri lagu ansixiyo mawduucaas, ama lagu diido, sidaana uu mawduuci ku noqdo mid ansaxay ama mid la diiday. Hadaba guddomiye ciro ma tixgalin sharciga golaha ee haldheeriga ah balse waxa u si tosa uga baxay golihii , tasina waxay muujinaysa sida aanu gudoomiyaha golaha wakiiladu u ixtiraamin una hogaansamin  , sharciyadii golaha barlamanka ee uu shirguddoonka ka ahaa. Ayadoo ay ahayadoo markasta ay sharci   dastuuriya  tahay in  mawduuc ay aqlabiyadu goluhu u codayso loo hogaansamayo, sidaana sharci ku yahay. Marka ka bixitaankii golaha uu ka baxay gudoomiyuhu, waxay noqonaysaa in uu meel kaga dhacay sharciyadii  golaha ee ahayd in  qalabiyada goluhu markastaba sharci tahay in lo hogaansamo.o shirgudoonkuba uu guddomiye wixii ay aqlibiyada golahu isku raaceen una hogaansamo.

Cali-Xasan-CawaaleQodobadan sare ku xusan runtii waa kuwo saamayn siyaasadeed iyo mid sharciba ku yeelanaya guddomiyaha golaha wakiilada.,  waxayna  muujinayaa  diktaatoriyad, iyo in aanu shirgudoon u ahayn xubnaha  golaha  ee aan aragtidisa iyo afgaartisa aaminsanayn isla markaana aan u adeegayn rabitaankisa iyo waxa uu aminsanyahay .

Sida awadeed   ficiladii guddomiyaha ee maanta uu golaha kaga baxay, waxay ahayd mid dhawac weyn oo siyaasadeed iyo mid sharciba soo gaadhsiisay guddomiyaha, isla markaana umada u iftiiminaysa habdhaqanka hogaaminta  siyaasadeed ee guddoomiyaha.

Ayadoo bulshada Somaliland   markastaba diirada ku haysa dhacdooyinka iyo ficilada siyaasadeed ee guddomiye ciro tan iyo mudadii dheerayd ee uu hogaaminayey golaha wakiilada jsl. Aya dhacdadan maantu waxay noqonaysa  mid  ay bulshadu kaga qiyaas qaadanayso kuna cabirayso   sida uu noqnayo   habdhaqanka hogaaminta siyaasadeed ee guddomiye ciro, hadiiba  ay u doortaan xilka madaxweynenimo ee uu sharaxan yahay.

Ugu danbeyn waxan aaminsanahay in dhamaan ficilooyinka siyaasadeed ama sharci ee guddoomiye ciro, ay yihiin n dhirbaaxooyin siyaasadeed  kuwas oo si toosa u  lumiyey kalsoonidii ama codkii uu shacabka Somaliland uga fadhiyey inay ugu dortaan xilka madaxweyne ee uu sharaxanyahay, ayadoo bulshadu ka shidaal qaadanaysa, dhacdooyinkii iyo ficilooyinkii siyaasadeed ee uu mudada dheer ku hogaamineyay golaha wakiilada kuwaas oo dhamaantood  xambaarsan dhaliilo, iyo nusqaan badan , isla markana si xooga ah u saameyay  hogaaminta iyo habdhaqanka siyaasadeed ee guddomiyaha golaha wakiilada jsl.

Cali Xasan Cawale.

Email. Caliyaangi99@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here