Hoggaamiyaha Khaatumo Oo Markii Dhaliilay Ammaanka Laascaanood, Si Deg Deg Ahna Uga Baxay

0
10

“Waar Laascaanood nabadi ma  taallo, belaayadda haddii aad qarsatana way ku qarsataa, Nabadda Laascaanood  u baahan tahay ee Baharar-same iyo Khayr Cabdi u baahan yihiin haddii aanu sheegno ma afkaa na qalloocsamaya…”Cali Khaliif

cali khaliif

Hargeysa:(Hubaal)-Hoggaamiyaha Khaatumo Md. Cali Khaliif  Galaydh, ayaa isaga oo kasoo degay madaarka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa uu dhaliilay ammaanka magaalada, waxana uu goob fagaare ah ka sheegay inaanu jirin wax ammaan ah oo halkaas ka jiraa.

Sidoo kale Cali Khaliif waxa uu ka falceliyey falkii loogu diiday inuu kaga dhoofo magaalada Buuhoodle oo beryahan dambe xarun u ahayd, waxana uu sheegay inaan talada maamulkiisa loo daba fadhisan doonin reer gaar ah.

Ugu horrayn Cali Khaliif oo ka hadlaya sida Somaliland loola heshiin karo ayaa waxa uu yidhi, “Ma jiraan reer hebel kaligood go’aan gaadhi kara oo keligood Somaliland la heshiin karaa ma jiraan, ta annaga iyo Somaliland naga dhaxaysaana waa ta muhiimka ah.”

Isaga oo eedaynaya ammaanka Laascaanood waxa uu tilmaamay inay waajib ku tahay inuu dhaliilo nabadda magaalada taalla, “Waar Laascaanood nabadi ma  taallo, belaayadda haddii aad qarsatana way ku qarsataa, magaalada gudaheeda waxan ka socdaana wax aanu u bognay ma aha, waxana waajib nagu ah inaanu dhaliilno”ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif waxa uu intaas ku daray, “Nabadda Laascaanood  u baahan tahay ee Baharar-same iyo Khayr Cabdi u baahan yihiin haddii aanu sheegno ma afkaa na qalloocsamaya, annagu taas ayaanu rabnaa oo iyada ayaanu meel uga soo wada jeedanaynaa.”

Waxa uu caddeeyey inay weli socdaan wada-hadalladii uu maamulkiisu la lahaa xukuumadda Somaliland, una baahan yihiin in loo samro, “Somaliland wada-hadalaa noo bilaabmay, wax noo dhammaadayna ma jiraan, dad baana meelahaas wax la wareegaya waana arrin u baahan in loo dhabar adaygo oo culus”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la is waafajiyo danaha labada dhinac ee wada-hadlaya, waxana uu u digay kooxo uu sheegay inay talada maroor sanayaan, waxana uu yidhi, “Danaha ay Somaliland leedahay iyo danaha dadka reer Khaatumo in la is waafajiyo annagaa u aragna inay dan noo tahay oo aanu nabad ku gaadhayno oo aanu u dhabar-adaygno wada-hadalladaas, nabad iyo wax lagu heshiinayo oo aanay raalli ka ahayn dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn oo dhacaysaa ma jirto, laakiin waxa la rabaa Taw taw iyo koox meelahaas wareegaysa oo leh aniga uun baa talinaya.”

Cali Khaliif markii uu kasoo degay madaarka magaalada Laascaanood, isla markaana uu hadal kooban u jeediyey dadweyne halkaas kusoo dhaweeyey oo ay saraakiil xumuumadda Somaliland iyo axsaabta mucaaridka ahi kamid yihiin waxa uu u socdaalay dhinaca magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle oo qado loogu sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here