Howlgal Amni Oo Ka Bilowday Pakistan Ka Dib Qaraxii 72 Qof Lagu Dilay

0
10

goob barako

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay dagaalyahanno mintidiin ah ku dishay howlgal ay fulisay ka dib weerarkii 72-da qof lagu dilay.

Ururka Daacish ayaa weerar ku qaaday boqollaal qof oo ku sugnaa qabri. Qiyaastii 18 jihaaddoonayaal ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Koofurta gobolka Sindha, halkaas oo ah meesha uu ku yaallo qabriga ay siyaaranayeen Suufiyada la qarxiyay. In kabadan 13 kale ayaa lagu dilay Woqooyiga Galbeed ee Pakistaan, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Qarax ka dhacay masaajid caan ah oo ku yaalla Koonfurta Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 72 ruux, sida ay booliisku sheegeen.

Qofka qaraxa gaystay ayaa isku qarxiyay dad Suufiyo ah oo ku cibaadaysanayay magaalada Sehwan ee gobolka Sindh, sida ay booliisku sheegeen.

Rai’salwasare Nawaz Sharif ayaa cambaareeyay qaraxaas, kaas oo ay sheegteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Waa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ee ay sheegtaan Dawladda Islaamka, Talibanka Pakistan iyo malayshiyooyinka kale ee dhaca muddooyinkii u dambeeyay.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu miino tuuray ka dibna isku qarxiyay dadka suufiyada ah oo xadraynaya, sida ay ku warrantay warbaahinta deegaanku.

“Waxaan arkay maydad meel walba yaalla, waxaan arkay maydadka haween iyo carruur” nin ayaa sidaa u sheegay warbaahinta gudaha.

Sawirro laga qaaday gudaha goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhulkii oo dhiig qariyay, iyadoo ay daadsan yihiin dhar iyo kabo sandal ah.

Xigasho: bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here