“Dalkeenu Ma Haysto Ictiraaf Laakiin Hadii Aynaan Dunida Xidhiidh La Yeelan Ictiraaf Dalka Iman Maayo.” Cali Mareexaan

0
15

Hargeysa-(Hubaal)-wasiirka wasaaradda hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka mudane cali maxamed cali mareexaan ayaa shalay xafladdii xuska maalinta dhalinyaradda ka qeyb galay, waxaanu si fiican uga sheekeyey maalintii dhagaxtuurka ee dawladdii siyaad barre .

Waxaanu ku dheeraaday saldhiga iyo maalgashiga uu wadanka imaaraadku ina siinayo waxaanu kula taliyey dadka shacabka ka bajinaya inay ka daayaan shacabka waswaaska ay galinayaan

Wasiirka oo arimahaas ka hadlayaana wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Bacda salaan waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhamaan dhalinyaradda reer Somaliland meelkasta ay joogta waxaan leeyahay  hambalyo taariikhda dheer ee laga sheekeyey ee ay leedahay maalintani ee 20kii February 1982kii raggii xogogaalka u ahaaba halkan ka sheekeyey ee marka waaweynaa ee cukuse-yo ka mid yahay laakiin anigu maalintaas burco ayaan joogay dhawr cisho ka dib ayuu mudaharaad ka dhacay biriishka burco  kan labaad maahe kii hore ayaa labada koone ciidamo la odhan jiray daraawiish oo barigaas jiri jiray oo xoog weynaa ay labada koone istaageen oo dhalinyaradii biriishka ka daadatay baan ku jiray barigaa, markaa taarikhdaa dheer ee la soo maray  waxaa gunteedii iyo gaba gabadeedii maanta aynu hadhsanaynaa qaranimada, madaxbanaanida , nabad galyadda iyo hour-marka dalka ka jira ee aynu maanta ku talaabsanay taasay tahay midhaheedi in lawada ilaashado oo xoog iyo xoog loo ilaashaddo.” Ayuu yidhi wasiirku

Dhinaca kale waxaa uu la dardaarmay dhalinyaradda dalka oo dhan waxaanu yidhi: “dhalinyaradda anigu kolay waxaan kula dardaarmayaa waxa weeyaan sida aad la wada socotaan dalkeenu mustaqbalkiisu  aad iyo aad buu u fican yahay waxaana ugu wacan dhalinyaradda oo boqolkiiba 70% ay dhalinyaro tahay taasina waa ididiilo fiican waxaana fiican in aad iyo aad looga waaniyo balwadaha, umaddeena waxaa ku furan qaad oo 700,000 (todoba boqol oo kun) sanadkii la siisanayo qaad waxaana weeyi dadkii waaweynaa ee ka horeeyey ay u horsadeen, dhaqaalihii iyo naftii iyo caafimaadkiiba wuu dilayaa.”cali mareexaan

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi sidan: “ Waxyaabaha ugu weyn ee dalka imika ka taagan ee lagu kala aragti duwan yahay waxa weeyi horumar dalka ka socda dalkeenu ma haysto ictiraaf laakiin hadii aynaan dunida xidhiidh la yeelan inaan ictiraaf dalka imanayn maah maah ayaa ahayd “xaglo laaban xoolo kuma imaadaan” inagoo iska fadhfadhina ictiraaf iman maayo waa inay dunidu inoo timaada shalay waxaan dhagaysanayey nin madax ah oo dawladda jabuuti u hadlaya faa’idada ay jabuuti u keentay saldhigyada ay jabuuti siisay  wadamadda”

Gabogabadiina waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay sidan : “Dhaqaaleheenu %80 waxaa uu ku xidhan yahay wadanka imaaraadka tijaarteenu intay ka tiro leegtahay waxay joogta imaaraadka oo ay xafiisyo kuwada leedahay marka waxaan odhan lahaa waar yaan dadkeena la baqdin galin  waar ninka xuutiyiinta u hiilinaya ee todobada dal ee khaliijka ka hor imanayaa waxaan leeyahay waar  fulay isagaaba geesiya ee umudda illahay haynagu soo jeedin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here