Xukuumadda Oo Si Qaawan U Weerartay Idaacadda BBC-da, Kuna Calaa-cashay In Masuuliyiinteeda Loogaga Eexdo

0
13

“BBC-du waxa  ay weyneeyeen  heshiiskii DPWorld iyo midka Sadhigga militeri ee 144-xildhibaan ansixiyeen, mana eegaan waxa aqlabiyadda umaddu isku raacdaye…..”Wasiir Caddaani.

cadaani

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa luuqad adag kula hadashay idaacadda BBC-da qaybteeda afka Soomaaliga, waxana ay shaacisay inay saluugsan tahay dhexdhexaadnimadeeda.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo shalay arrintan ka hadlay, ayaa  BBC-da ku eedeeyey inay faafiso arrimo Somaliland ka dhan ah, isla markaana shacabka reer Somaliland weli la’ yihiin abaal ay hore idaacaddaas u gashadeen wakhtiyadii la aasaasay, waxana uu yidhi, “Waxan ka hadlayaa BBC-da oo dhexdhexaadnimadii iyo wararkii xaqiiqada ku salaysnaa ee lagu yaqaanay ka leexatay oo u baydhay inay noqo  mid dhinac ka raran oo warar aan jirin oo dacaayad ah ka faafiso jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dadka reer Somaliland ahaayeen kuwii soomaalida kale baray ee kusoo xidhay idaacadda BBC-da.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan saluugsan yihiin hannaanka ay Idaacadda BBC-du uga hadasho arrimaha la xidhiidha wareejinta dekedda Berbera iyo weliba Madaarka ciidamada Imaaraadka laga kireeyey, isaga oo xusay in la weyneeyo afkaarta dadka arrimahaas mucaaridka ku ah,“BBC-du waxa ay bilowday inay dagaal  badheedh ah oo lid ku ah jiritaankayaga ku foognaato muddada ay hawada ku jirto, waxana ay buun  buuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xididdada dheer lahayn ee gudaha Somaliland ka jira, iyaga oo daaha saara wixii horrumar iyo wax  qabad ah ee Somaliland ka jira, waxana ay qaban qaabiyaan oo soo xusaan inta caanka ku ah nacaybka qaddiyada Somaliland iyo arrin kasta oo  ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta reer Somaliland, arrimahaasna waxa ugu dambeeyey heshiiskii DPWorld iyo midka Sadhigga militeri ee 144-xildhibaan ansixiyeen, mana eegaan waxa aqlabiyadda umaddu isku raacdaye waxa ay eegaan afarta kale, doodahaasina waa kuwo ka fog xaqsoor”ayuu yidhi wasiir Caddaani.

 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan hore qoraallo cabashooyin iyo digniino ah ugu direen hoggaanka idaacadda BBC-da, isla markaana ay haatan wixii ka dambeeya tallaabo ay ku difaaci doonaan qaranka qaadi doonaan, isla markaana ay dib u eegi doonaan heshiiskii ay xukuumaddu hore ula gashay idaacadda BBC-da ee ruqsadda loogu siiyey inay maqalka FM-ta ka hirgeliso magaalooyinka waaweyn ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here