Maxkamadda Racfaanka Gobolka Oo Maanta Xukun Ka Soo Saaraysa Dacwad Loo Haysto Masuuliyiinta Wargayska Hubsad

0
3

Hargeysa:(Hubaal)-Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi Jeex ayaa Maanta go’aan ka soo saaraysa dacwada loo haysto masuuliyiinta Wargayska Hubsad oo hore Maxkamada Gobolka ay ugu wayday Eedaymo kala duwan oo ay ku soo Oogtey Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland,balse markii waxba lagu waayay waxa mar kale racfaan ka qaatay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

siciid khadar iyo bulsho

Dhagaysiga dacwadan oo ah markii labaad oo ay Maxkamadu u fadhiisato, ayaa loo balansan yahay in maxkamada racfaanka ah ay soo saarto go,aanka kama dambaysta ah ee laga gaadhayo dacwada loo haysto Wargayska Madaxa Banaan ee HUBSAD iyo Masuuliyiintiisa.

23ka bishii hore ee Sannadkan ayay ahayd maalintii ugu horaysay oo ay Maxkamaddu u fadhiisato dhagaysiga dacwadan, taasoo markii garsoorihii gacanta ku hayay kiisku uu xukun u diray markii uu dhagaystay qareenkii u doodayay Masuuliyiinta Wargeyska HUBSAD.

Haayadaha kala duwan ee u dooda xuquuqda aadamaha iyo kuwa Saxaafada ayaa si taxadir leh uga dhursugaya xukunka Maxkamada iyada oo horena ay u cambaareeyeen xadhiga Wargayska Hubsad iyo eedaymaha loo soo jeediyey masuuliyiinta Wargayskaasi oo kala ah: Gudoomiye C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifatiraha Guud ee Wargayskaasi Siciid Khadar C/laahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here