Siyaasi 27-Sano Xabsi Ku Wada Jireen Hoggaamiye Caan Ka Ah Dunida Oo Geeriyooday

0
10

mandela & ahmed

Johanensberg:(Hubaal)-Waxaa ku geeriyooday Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in laga saaro xukunkii midab takoorka

Waxa uu xidhiidh dhow la lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xidhnayeen xabsiga Robben Island.

Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.

Waxa uu ka fadhiistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.

Axmed Kathrada waxa uu ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore, Nelson Mandela. Sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi u ololeeyn jiray xuquuqda aadanaha, Waxa loogu yeedhi jiray magaca Kathy.

Isaga iyo Mandela waxay 27 sano ku qaateen xabsi, waxaana loo xidhay halgankii ay ugu jireen in ay meesha ka saaraan xukunkii ay hormuudka ka ahaayeen dadkii caddaanka ahaa ee tirada yaraa.

Sanadkii 2013-kii waxa uu fursad u helay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu tuso qolkii uu ku xirnaa xabsigii Robben island, waxa uuna ku yidhi “17 sano iyo badh ayaan qolkaan ku xidhnaa. Waxaan waayey caruurtaydii”.

“Waxaan lumiyey walaal, nolosheydu waa ay madhantahay, mana aqaano cid aan weheshado”. ayuu yidhi khudbad uu jeediyey markii uu dhintay Nelson Mandela Disembar 2013-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here