Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha Oo Khilaaf Isaga Iyo Wasiirka Soo Kala Dhexgalay Shaqaalaha Wasaaraddiisa Ku Eedeeyey

0
28

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiiru-dawlaha xannaanada xoolaha Somaliland Md.Cabdirashiid Maxamuud Riyo-raac, ayaa beeniyey warar soo baxayey oo sheegayey inuu jiro khilaaf ka dhex curtay isaga iyo wasiirka wasaaradaas Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse).

Riyo-300x254

Wasiiru-dawlaha oo u warramay Telefishanka Startv, ayaa ibo-furka khilaafkaas dusha ka saaray shaqaalaha wasaaraddiisa, waxana uu sheegay in xubno shaqooyin xagga tallaalka xoolaha ah oo soo baxday habkii loo maamulay dhibsaday ay warkaas bacrimiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ma jiro wax khilaaf ah oo wasaaradda ka jiraa, aniga iyo wasiirkuna isma hayno, waana ognahay oo warkaas waxa bixisay dhallinyaro wasaaradda ka ag dhaw ama dhakhaatiirta xoolaha ah baa warkaas bixisay, aniga iyo wasiirkana waxa ay nagu eedaynayaan wax aanaan shaqo ku lahayn, tallaalka iyo marka daawooyinka xoolaha la dirayona waxa iska leh waaxda caafimaadka.”

Dhinaca kale waxa uu wasiir Riyo-raac ka hadlay xayiraadda saaran xoolaha, isaga oo shaaca ka qaaday inay dhawaan dalka iman doonaan dhakhaatiir ajaanib ah oo xaaladda xoolaha dalka daraasad ku samayn doonaan, “Arrintii xooluhu way dhawdhawdahay oo maanta waxa aanu dalku-gal usoo saarnay dhakhtar xoolaha ku takhasusay oo maraykan ah,  khamiistana waxa imanaya laba dhakhtar oo Sucuudi ah, intubana waxa ay u imanayaan inay maxjarrada maraan oo ay xoolaha eegaan oo ay warbixin rasmi ah ka sameeyaan, dhakhaatiirtaas kadibna waxa aanu rajaynaynaa inay xooluhu furmaan,” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here