Wasiirka Kalluumaysiga Ka Marag Kacay Xaalufinta Lagu Hayo Khayraadka Badda Iyo Awood-darrada Wasaaraddiisa

0
17

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md.Cali Jaamac Buureed, ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay badda Somaliland iyo heerka uu marayo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ay ajaanibku badda dhexdeeda ka wadaan.

wasiir cali buureed

Wasiir Buureed oo u warramay Telefishanka SomalinewsTv, ayaa shaaciyey in dagaalkii dalka Yemen ka qarxay yareeyey kalluumaysatii Yemeniyiinta ahaa ee badaha Somaliland sharcidarrada kusoo geli jirey, balse ay weli hawlaha kalluumaysiga ah iska wataan maraakiiibta waaweyn ee waddamada Galbeedka Yurub laga leeyahay, “Yemeniyiintii xeebaheena ka kalluumaysan jirey dagaalladii bay ku yaraadeen oo ilaahay wuu inaga yareeyey, laakiin mar walba tuugadii waaweynayd ee Yurub iyo reer Galbeedka ka imanaysay mar walba way joogaan, si wax looga qabtaana aad bay u yar tahay,” ayuu yidhi wasiir Cali Jaamac Buureed.

Isaga oo Wasiir Buureed hadalkiisa sii wata, waxa uu qiray inaanay ciidamada Somaliland awood u lahayn inay maraakiibta waaweyn ee Yurub laga leeyahay badda ka ilaalilyaan, maadaama ay ku andacoonayaan inay budhcad-badeed iyo wax lamid ah dagaallo kula jiraan, waxana uu yidhi, “Maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka ayaa badda jooga oo ilaalinaya, ciidankeenuna uma dhawaan karaan, annaguna waxanu wasaaradda ku rakibnay qalab muujinaya badda wixii jooga oo dhan.”

Kalluumaysiga sharci-darrada ah, ayaa kamid ah aafooyinka ugu waaweyn ee badda Somaliland ka jira, waxana iska yar tallaabooyinka arrimahaas lagula tacaalayo ee ay wasaaradda Kalluumaysigu qaadday, iyada oo ay isa soo tarayaan qaylo-dhaanta kalluumaysatu kasoo jeedinayso jiriidka badda lagu hayo.

Sidoo kale waxa jira maraakiib ruqsado ka haysta wasaaradda Kalluumaysiga oo si aan kala go’ lahayn badda uga rarta khayraad  badan oo kalluun, kuwaas oo aanay jirin cid ka kaantaroosha noocyada kalluunka ee ay raranayaan, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay guranayaan kalluun aad u yaryar oo ay mamnuuc tahay in la ugaadhsado, isla markaana burburin ku hayaan goobaha uu kalluunku ugxanta ku rito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here