Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi Oo Wada-jir Uga Hadlay Loollan La Wariyey Inuu Hoggaaminta KULMIYE Ku Dhexmaray

0
21

 “Aniga iyo Maxamed Kaahin waxanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagu waa guddoomiye-ku-xigeenkii KULMIYE aniguna wasiirkii madaxtooyadaan ahay, labadayaduna waxanu fadhinaa biyo-culusta….” Maxamuud Xaashi

“Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wada shaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay…”Maxamed Kaahin

maxamed kaahin

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa meesha ka saaray inuu dhexdooda ku jiro khilaaf salka ku haya hoggaaminta xisbiga KULMIYE, waxana ay bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbigaba ka shaafiyeen jiritaanka warkaas.

Labadan masuul oo ka hadlay madal uu xisbiga KULMIYE ku qabsaday magaalada Hargeysa, ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka shaqaynayaan horumarinta iyo dardargelinta hawlaha xisbiga, isla markaana aanay jirin sabab ay xilligan hoggaaminta xisbiga ugu gorgortamaan.

Ugu horrayn wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrintan ka hadlay ayaa deedafeeyey inuu wax loollan ahi ka jiro hoggaaminta xisbiga, isla-markaana ay isaga iyo  Maxamed Kaahin ka go’an tahay sidii guddoomiye Muuse Biixi loo wada dhisi lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “KULMIYE waa xisbi khilaafkiisii dhammeeyey, meelahaasna waxanu ka maqlaynaa jabaq ah khilaaf iyo dagaal baa KULMIYE ka dhex socda, waxa la isku hayaa guddoomiyihii xisbiga oo waxa isku haya Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin iyo rag kale, laakiin waxanu caddaynaynaa oo far waaweyn ku dhigaynaa maanta KULMIYE hal loollan buu ku jiraa, loollan labaadna kuma jiro, KULMIYE waxa uu ku jiraa sidii uu talada dalka mar labaad ku heli lahaa, waxana aynu dhammaanteen dhisaynaa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, mana jiro loollan labaad oo dhexdeena ahi.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku caddeeyey inay saaxiibtinimo iyo odaytinimo weyn u dhaxayso isaga iyo Maxamed Kaahin, isla markaana ay hadaf isku mid ah ka leeyihiin sidii uu xisbigu isaga oo isku duuban talada dalka mar labaad ugu guulaysan lahaa, “Aniga iyo Maxamed Kaahin waxanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagu waa guddoomiye-ku-xigeenkii KULMIYE aniguna wasiirkii madaxtooyadaan ahay, labadayaduna waxanu fadhinaa kaalin adag oo culus oo la yidhaahdo biyo-culusta, waxana aanu nahay kuwa Muuse haddii uu dhismo taariikhdooda ay saamaynta weyn ku leedahay, rag ceel wadaan ka wada dawlinayaana oo wadaan wada jiidayaa haddii aanay si fiican jiibta iyo jaanta isula helin oo midba ka kale qardabo ma wada guulaystaan, aniga iyo Maxamed Kaahin-nna raggaas wadaanta wada jiidaya ayaanu nahay, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE-na maanta tartan kama jiro oo waaka halkan fadhiya oo waa Muuse Biixi Cabdi, waxana aan leeyahay waxa dacaayadahaas iyo maaweelooyinkaas wada dad xisbiga KULMIYE doonaya inay cudur dhex geliyaane reer KULMIYE waxan leeyahay dacaayadahaas iyo cudurkaas iska ilaaliya” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Dhinaciisa Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu isaguna xusay inaanu wax khilaaf ah oo u dhexeeya hoggaanka xisbigu jirin, isla-markaana aanu jirin loollan isaga iyo  wasiir Maxamuud Xaashi u dhexeeyaa, waxana uu yidhi, “Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wada shaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay, arrinkanna waanu ka wada hadalnaa.”

Waa markii ugu horraysay ee guddoomiye Maxamed Kaahin iyo wasiir Maxamuud Xaashi isku hal goob ku beeniyaan inuu loollan dhinaca hoggaaminta xisbiga ahi u dhexeeyo, waxana ay tani meesha ka saaraysa warar bulshada dhexdeeda lagu faafinayey oo khilaafkaas gacan-ku-rimiska ah lagu buun buuninayey, isla markaana lagu wiiqayey midnimada xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here