Dhibaato Dhaqaale Oo Soo Foodsaartay WADDANI Iyo Guddoomiye Cirro Oo Fagaare Ka Magac-dhebay Xubno Uu Qaadhaankooda Saluuugay

0
14

“Raggii aan is lahaa konton-kontonka way ku dhawaaqayaan laakiin way ka yara xishoodeen inay ku dhawaaqaan kontanka iyo labaatanka iyo, weliba waxa fadhiya Caydaruus iyo…”Cirro

cirro-daawo

Stockholm:(Hubaal)-Guddoomyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa muujiyey dhibaatada dhaqaale ee haysata xisbigiisa, waxana uu qaylo-dhaan uu dhaqaale ku raadinayo kula dhex dhacay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool caasimadda waddanka Sweden ee Stockholm, gaar ahaan taageerayaashiisa.

Guddoomiye Cirro waxa uu muujiyey inay qasnadaha xisbigu is garaacayaan, isla markaana uu saluugsan yahay tirada qaadhaan ay madashaas kaga dhawaaqeen taageerayaasha reer Sweden ee uu fadhiga la qaatay, isaga oo weliba goobtaas ku magac dhebay xubno uu u han weynaa inay jeebkooda wax buuran kasoo saari doonaan,“Xisbigu waa mucaarid, dhaqaalahana taageerayaashiisa ayuu ka filayaa, raggii aan is lahaa konton-kontonka way ku dhawaaqayaan laakiin way ka yara xishoodeen inay ku dhawaaqaan kontanka iyo labaatanka iyo, weliba waxa fadhiya Caydaruus iyo saalax,” ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa goobta ka sheegay in dib loogu noqonayo ururinta qaadhaanka uu dalbaday, isla markaana marka ay goobta ka baxaan dadka muuqaallada duubayaa ay iyagu si gooni ah arrintaas uga wada hadli doonaan, waxana uu yidhi, “Qaadhaan ururintii intan kuma dhammee waynu ka wada hadlaynaa imika kamerad baa ina haysee iyada oo aanay kameraddu ina haynin baynu ka wada hadlaynaa.”

Hore ayaa saxaafadda loogu arkay guddoomiye Cirro oo sidan oo kale madal la wada fadhiya kaga dhawaaqaya in qaadhaan loo ururiyo xisiga, taas oo bulshada u bayaamisay heerka dhaqaale la’aanta xisbigu marayso, waxase tan imika dhacday inay dameen dhammaanba ilihii dhaqaale ee uu xisbigu lacagaha ka heli jirey oo ay ugu muhiimsanayd isha golaha wakiillada oo ay xukuumadda dhexe si weyn u kaantarooshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here