Qamaamkii Dahabka Magaalada Dawson Iyo Marsada Berbera Maxay Wadaagi Doonaan!

0
14

Wariye u dhashay dalka mareykanka oo inta badan wax ka qori jiray xuquuqda arrimaha bulshada, dhacdooyinka iyo sheekooyinka mala’awaalka ah oo la odhan jiray John Griffith Chaney “Jack”.

16th bishii August  sannadkii 1896-kii,  maalin axadeed ayaa markii uu waagu baryey ee uu toosay aroornimadaasi ayey indhihiisu halacsadeen war lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo The White Pass Chronicle, cadadkiisii 11-aad,  kaasoo ciwaankiisu uu ahaa “War ka yimid Klondike “ oo laga hellay Dahab,Dahab, Dahab, Dahab.

John Griffith Chaney “Jack” markii uu wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi ayuu jaleecay Aygiisii la odhan jiray “Buck” oo hareertiisa  taagnaa, waxaanu ku yidhi: Haddii aad akhiriyi lahayd ama aad ogaan lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska The White Pass Chronicle, sidaas umaad faraxsanaanteen ee waad murugoon lahayd.

Waxaanu warkaasi ka diyaariyey qormo taxane ahayd oo uu ciwaankeedu uu ahaa,  “Gold Rush” oo macno ahaan noqonaysay “Qiiradii Dahabka” , waxaanu qoraagu uu aad ugu dheeraaday oo uu ka sheekeeyey hab-nololeedkii  iyo marxaladiihii kala duwanaa ee uu soo maray ka dib markii la xaday  Buck oo ahaa Aygiisa, dabayaaqadii sannadkii 1897-kii.

Fahamka ujeedada qormadaa taxanaha ahayd  ayaa noqotay tii ugu adkayd ee ay ku mashquuleeyn bulshada Canada,  ka dibna, arrintaasi waxa ay dhalisay inay dad badan oo ah aqoon-yahano, qorayaal ay isku dayaan soo ururinta dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay caasimada Dawson ee waqooyiga galbeed ee dalka Canada.

DAWSON1

Sida ay taariikhdu sheegtay ka hor intii aan lagu qamaamin dahabkii laga hellay klondike, waxa lagu qiyaasay ku dhawaada 100,000 oo qof in ay ka tahriibeen caasimada Dawson ee uu maro wabiga Klondike ee gobolka Yukon ee ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka Canada sannadihii 1896 illaa iyo 1899, taasoo lagu sababeeyey in ay jirtay dhinaca duruufaha nolosha dadka oo aad u hooseeyey iyo cimilada oo ahayd mid aad u barafa, xiliyada qaarna ay aad u sareeysay  kulka qoraxdu, waxaanay cadceeda heli jireen 4-saacadood , wakhtiyada qaarna  21-saacadood.

Ka dib markii qiiradii dahabku ay gaadhay in ka badan 100,000 oo qof oo intooda badani ay ahaayeen, kuwa dhanka wanaagsan ka eegayey, halka kuwo kalena ay rumaysnaayeen inay ka taajiri doonaan, waxaana halkaasi ku qamaamay walaxda huruuda ah ee dahabka,  kumanaan qof oo si nabad-galyo ah ku gaadhay goobtaas, halka boqolaal qof oo kalena ay ku qar-qameen, isla-markaana,  waxa ay noqdeen  kuwo ku haligmay oo naftooda ku waayey iyo qaar uu dhaawac ka soo gaadhay safarkii dheeraa ee ay ku marayeen buuralayda barafka badan ee  St. Elias Mountain Range.

Waxaana arrintaasi loo aaneeyey inay sabab u ahay qalabka dadku ay u isticmaalayeen cimilada barafka oo ahayd mid aad u liidatay, sidoo kalena aanay  jirin u diyaar garoow iyo qaab-dhismeed fiican oo loogu tallo-galay dadka u safraayey magaalada Dawson.

Dhinaca kale, dad lagu qiyaasay ku dhawaad 60,000 oo qof oo ahaa muwaadiin u dhashay deegaankaas ayaa ka soo horjeestay dadkii khayraadka deegaankooda laga hellay ku soo duulay, kuwaasoo sameeyey sawaxan dheer oo ay ku diidanaayeen in la gurto dahabka ku daadsan buuralayda u dhow wabiga Klondike, hase yeeshee, xukumadii wakhtigaas ka talinaysay dalka Canada ayaa soo saartay sharci iyo awaamiir adag oo ku abuuray cabsi dadkii mudahaaradayey ee deegaankaasi, waxa kale oo ay isku arkayeen kuwo markoodii horeba la dayacay oo ku noolaa nolol aad u liidata, halka qaar kalena ay rumeysnaayeen  inay arrintani tahay mid lagu faydayo khayraadka ku duugan barriga iyo bada hoosteeda ee isir ahaan ka dabar go’ay dunida inteeda kale.

Dawson muddo laba sannadood ah ka dib, waxa ay noqotay magaalo caasimad ah oo  aad u balaadhan oo dhinac walba u fiday, isla-markaana ay ka muuqato horumar badan oo laga sameeyey, taasoo ay sabab u ahayd khayraadkii laga hellay deegaankoodaasi, balse, nimco waliba nusqaanteed lehe, horumarka khayraadka laga hellay deegaankaas waxa uu sababay inay magaalada Dawson noqoto caasimadii fusuqa iyo qanniimada.

Muddo ka dib, magaaladaas waxa asiibay masiibooyin uu  Alle (SW) u ku saliday, ka dib markii uu ku dhalaalay baraf gaadhayey joogiisu saddex mitter, kaasoo ay ku nafwaayeen kumanaan kun oo qof oo ku noolaa caasimadaas, iyadoo wakhtigan  xaadirka ah dadka ku nool, ay ka badan yihiin Aydu.

Dhacdooyinka mudadii ugu danbeeyey ka taagnaa soomaaliland ee la xidhiidha arrimaha mashaariicda maal-gashi iyo kuwa khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan,  magaalada marsada Berbera, waxa ay i xasuusiyeen sheekadii ka dhacday magaalada Dawson ee waqooyi galbeed ee dalka Canada, Sannadkii 1896-kii.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here