Guddi-Hoosaad Wakiillada Ah Oo Ku Adkaystay Dhaqangelinta Qodobbo Distoori Ah Oo Curdin-Dhadhin Kara Hanka Murrashixiinta Axsaabta Qaarkood

0
9

Waxa ay Komishanka Ku Amreen Inay Hirgegeliyaan Qodobbada Tilmaamaya Inaanu Murrashax Noqon Karin Siyaasi Dhalasho Ajaanib ah Wata, Islama markaana La Tiro Koobo Hantida dhammaan Murrashixiinta Saddexda Xisbi qaran

guddi hoosaad

Hargeysa:(Hubaal)-Guddi-hoosaadka golaha wakiillada u qaabilsan dabagalka hantida qaranka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, ayaa shaaca ka qaadday in laga shaqaysiin doono qodobbo distoori ah oo dabar looga dhigayo murrashixiinta saddexda xisbi u tartamaysa, isla markaana lagu ogaanayo hantidooda, laguna diiwaangelinayo.

Xildhibaan Naasir Cali shire oo isagu afka afka guddidaas ku hadlay, ayaa isaga oo la hadlayey shir ay la yeesheen xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, waxa caddeeyey in qodobka distooriga ah ee sheegaya inaanu murrashax madaxweyne iyo ku-xigeen u tartami Karin siyaasi dhalasho shisheeye wataa dhaqangelintiisa ku adkeeyeen xubnaha komishanka doorashooyinka, isla markaana ay gole ahaan arrintaas si weyn u dabageli doonaan, waxana uu yidhi, “Waxa aanu ku adkaysanaynaa in murrashixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ciddii haysata dhalasho ajaanib ahi ay ka tanaasulaan oo uu qofkaasi noqdo muwaadin udhashay jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo uu distoorku sheegayo inaanu madaxweynenimo usoo istaagi Karin dhalashada waddan kale, taasna waanu ku boorrinaynaa komishanka doorashooyinka, waana mid aanu aad ugu ad-adag nahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa waxa uu xildhibaanku xubnaha guddida doorashooyinka hortooda ka sheegay inay komishanka uga fadhiyaan inay shuruud uga dhigaan dhammaan murrashixiinta axsaabta meelmarinta qodobka waajibinaya in murrashax walba la diiwaangeliyo hantidiisa gaarka ah,  “Arrinta ku saabsan distoorka jamhuuriyadda Somaliland qoddobkiisa 32-aad laba qodob oo ka hadlaya in murashixiinta ku tartamaysa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la diiwaangeliyo hantida ay leeyihiin si qarankan hantidiisa iyo dhaqaalihiisa la ilaaliyo oo musuqmaasuq looga hortago,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.

Hadalka kasoo yeedhay guddida dabagalka hantida qaranka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee golaha wakiillada, ayaa u muuqda mid  haddii sidiisa loo hirgeliyo caqabad weyn ku noqon kara murrashixiinta saddexda xisbi qaran ee haatan jira oo laba mid ahi wataan dhalashada waddanka Finland, kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro)oo WADDANI u sharraxan iyo Faysal Cali-waraabe oo UCID u sharraxan, waxana taas wehelisa murrashax-ku-xigeenka WADDANI oo isaga laftiisu dhalasho ajaanib ah wata, balse ay khasab ku noqon doonto inay ka tanaasulaan dhalashada dalalka ajaanibka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here