Faysal Cali-Waraabe Oo Mus-Dambeedka Komishanka Loo Samaynayo Soo Dhaweeyey, Shaqada Ay Qaban Doonaanna Faahfaahiyey

0
8

“Anigu fikir ahaan waxan qabaa inay noqoto guddi gacan siisa komishanka, haddii ay dawladdu lacagta la aamusta lacagtaas raadisa, wixii dhibaato ku yimaaddana ka caawisa, laakiin in shaqada komishanka guddi kale oo aan aqoonteeda lahayn la dul saaro…”  Faysal Cali-waraabe.

faysal-cali-waraabe-720x437Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay guddida mus-dambeedka ah ee uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan shaaciyey inuu komishanka doorashooyinka qaranka u magacaabi doono.

Guddoomiye Faysal oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay, ayaa soo dhaweeyey guddidaas, waxase uu hoosta ka xarriiqay in su’aalo badani ku gedaaman yihiin, ilsa markaana loo baahan yahay in shaqadeeda la caddeeyo.

Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay inay waajib tahay ka hor inta aan guddidaas la magacaabin inay xukuumadda, axsaabta qaranka iyo komishankuba isu yimaadaan, si wax meel la isula dhigo, waxana uu yidhi, “guddidaas mus-dambeedka ah waan taageer sanahay waana inay noqoto guddi taageerta komishanka, laakiin waa in Komishanka, axsaabta iyo dawladdu isu yimaaddaan oo ay ka fikiraan shaqadooda.”

Waxa uu Faysal Cali-waraabe ka digay inay guddidani noqoto mid carqalad gelin karta komishanka doorashooyinka, waxana uu soo jeediyey inay ahaato mid mudnaanta siisa fududaynta hawlaha ku culayska ku noqda guddida doorashooyinka qaranka, “Guddidani waxa ay ka koobnaan doonto iyo shaqada ay qaban doonaan waa in laga fikiraa, aniguna fikir ahaan waxan qabaa inay noqoto guddi gacan siisa komishanka, haddii ay dawladdu lacagta la aamusta lacagtaas raadisa, wixii dhibaato ku yimaaddana ka caawisa, laakiin in shaqada komishanka guddi kale oo aan aqoonteeda lahayn la dul saaro, taas macnaheedu waa komishanku ha iska tago,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu tilmaamay in gorfayntooda kadib haddii ay u arkaan inaan guddidaas loo baahayn ay iska dhaafi doonaan, waxana uu yidhi, “Taas waanu iska arki doonaa wax loo wada dhan yahay oo lagu wada kalsoon yahayna waanu kasoo saari doonaa, haddii aanu u aragno inaan loo baahnaynna waanu iska dayn doonaa.”

Guddida mus-dambeedka u noqon doonta komishanka doorashooyinka Somaliland oo uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu magacaabi doono, ayaa waxa goor horeba deedafeeyey xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu tilmaamay inaanay guddidaasi ahayn mid sharcigu oggol yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here