Dood Adag Oo Ka Dhalatay Nin Ciqaab Adag Mariyay Xaaskiisa Oo Samaysatay Facebook Ay Ka Basaasto

0
20

Woman-allegedly-beaten-after-receiving-behind-you-text

Qaahira (Hubaal/ANN) – Nin u dhashay dalka Masar, ayaa muddo saddex maalmood ah jidh-dilayey xaaskiisa, aakhirkiina guri ku qufulay, kadib markii uu ogaaday in ay samaysatay facebook, kaasoo ay ugu talogashay inay ka basaasto si ay u ogaato inuu haween kale la sheekaysto. Nin magaciisu yahay Mustafa Rafaat oo xaaskiisa hore ugu diiday in uu u sameeyo facebook, ayaa ciidammada boolisku gacanta ku dhigeen, iyagoo sheegay inuu xaaskiisa oo magaceeda lagu sheegay Asmaa Samir uu si xun ula dhaqmay. Sida boolisku sheegeen, ninkan ka cadhooday facebook-gu, waxa uu si fool xun ula dhaqmay xaaskiisa, isagoo muddo saddex maalmood ah u diiday in ay cunto iyo cabbitaan hesho, kaasoo jidhkeeda ku mudmuday walxo af-dhuuban leh si uu u muujiyo cadhada uu ka qaaday facebook xaaskiisu samaysatay. Mr. Rafaat waxa uu sheegay in xaaskiisu samaysatay saddex facebook oo ay mid kasta magac been ah ku qoratay si ay u baadho inuu khiyaamaynayo iyo in kale, taasna ay ku kaliftay inuu ciqaabo, balse wuxuu diiday in uu macaluul ku eegay muddo saddexda maalmood ah. Ururrada xuquuqaha haweenka u dooda ayaa ku baaqay in ninkan maxkamad la soo istaajiyo, kadib markii warbixinaha caafimaad sheegeen inuu xaaskiisa dhaawacyo xun gaadhsiiyey. Sidoo kale, qareenno dhawr ah, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay u doodaan haweenayda, iyadoo dad badan oo reer Masar ah bogga Twitter ku baahiyeen olole ay ku taageerayaan in Xeer-ilaalinta iyo hay’adaha kale ee caddaaladdu ay Rafaat xambsiga dhigaan, ciqaabta uu mudan yahayna mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here