Yuusuf Garaad ooSafaaradaha Iyo Qunsuliyadaha Ay Soomaaliya Ku Leedahay Caalamka Ku Sifeeyey Kuwo Isbedel &DibU Habayn U Baahan

0
17

Wasiirka Yuusuf Garaad Cumar Axmed Waxaa Uu Bogaadiyey21 Wasiir oo isaga uga horreeyey shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya

timthumb

 Muqdisho(Hubaal):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay inay Wasaaraddaasi noqon doonto mid u gudata xilkeeda sida dhiggeeda dunida oo kale, isla markaana ay noqon doonto Waddada laga soo galo Soomaaliya oo Cid kasta oo dalka meeshay rabto ha u socoto ee dibedda ka imanaysaa noqoto jidka ay waddanka ka soo galayso. Wasiir Yuusuf Garaad Cumar, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu Arbacadii inna dhaaftayka jeediyey Xaflad uu xilka Wasaaraddaas kagala wareegay Wasiirkii hore Cabdisalaan Cumar Hadliye oo lagu qabtay Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar, oo hadal dheer halkaas ka jeediyey, waxa uu sheegay inuu ka shaqayn doono midnimada iyo ilaalinta xaqa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed, waxaanu yidhi; “Waxaan aamminsanahay Soomaali oo mid ah, waxaanan ilaalinayaa midnimada, wada-jirka iyo madax-bannaanida dalka Soomaaliya, waxaanan daafacayaa xaqa Muwaaddinka Soomaaliyeed ha noqdo mid ku dhibban Xabsi ama mid Qaxooti ah. Waxaanan ku shaqeyn doonnaa xushmad, dulqaad iyo wada-tashi.” Wasiir Garaad waxa uu ballan-qaaday inuu sare u qaadayo heybadda iyo milgaha magaca Soomaaliyeed, isaga oo xusay in qof waliba oo shisheeye ah oo dalka soo gala uu noqon doono mid soo mara jihada rasmiga ah ee dowladda oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, isagoo caddeeyay in Wasaaraddiisu ay sixi doonto xiriirka dibadda, kana hortagi doonto in laga tallaabo marinka diblomaasiyadeed ee dalku leeyahay. Wasiir Yuusuf Garaad Cumar waxa uu boggaadiyay hawlihii ay qabteen 21 Wasiir oo isaga shaqada Wasaaraddaas uga horreeyey, waxaanu sheegay in maqaam sare ay gaadhsiiyeen maamuuska dawladnimo ee Soomaaliya. Yuusuf Garaad waxa uu ka hadlay xaaladda Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee dalku ku leeyahay dibadda ayaa waxa uu sheegay inuu isbadal iyo dib u habeyn ku sameyn doono, hagaajin doonana culeysyada dhaqaalle, taasi badalkeedana uu ku dhaqaaqi doono inuu qiimeyn ku sameeyo Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta hawlgala, tayeyntooda ka shaqayn doono. Wasiir Yuusuf Garaad Cumar waxa uu yidhi; “Aniga oo og yididdiilada Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ay ka qabaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa hubaal ah inaan tayeyn doono Safaaradaha si loo helo Diblomaasiyiin lagu kalsoon yahay howl-gudashadooda.” “Wasaaradda uma dulqaadan doonto Diblomaasi kasta oo ka dib dhaca gudashada waajibaadka ka saaran Qaranka, uma dulqaadan doonno sidoo kale diblomaasi kasta oo aan daacad u aheyn dalka, waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo shuruucda kala duwan ee Wasaaradda u degsan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Yuusuf Garaad Cumar. Munaasibaddaa waxaa isaguna hadal ka jeediyey Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo sheegay in Siyaaasadda Xukuumaddu tahay in la helo Soomaaliya ay nabadi ka jirto oo Dadkeedu nabadgelyo ku wada nool yihiin, isla markaana waddamada la deriska ah nabad iyo walaalnimo kula nool. Waxaa sidoo kale Xaflad iyaduna xil-wareejin ahayd ka hadlay Wasiirka cusub ee Qorshaynta iyo Wasiirkii hore ee Qorshaynta Soomaaliya, kuwaas oo iyaguna ka hadlay waxa uu Masuulka hore wareejiyey iyo qorshaha Masuulka cusub sheegay inuu ku hawlgeli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here