Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi

0
16

Q: 1aad

Falsafadda dawladnimo :

Dawladnimoda iyo fasiraaddeedu waxa ay in mugleh ka haysatay doodaha falsafadda siyaasadda iyo aqoonta bulsho muddo aad u dheer oo ku taxan sooyaalka uunkeena , la isla mana meel dhigin falsafadda ka dambeysa abuurka dawlad iyo waxii dadka baray ; tusaale ahaan faylasuufyada qaarkood ayaa yidhi nidaan dawladeed waxa uu salka ku hayaa in dadka taagta daran kaga gabadaan in ay adoonsadaan kuwa awoodda badani , qaar kalena waxa ay yidhaahdeen dawladdu waxa ay ka dhalatay dadaalka ay kuwa awoodda badani ugu jiraan in ay adoonsadaan kuwa awoodda yar , dawladdu waxa ay ka dhalatay damaca guumeysi iyo waxa ay ka dhalatay damaca gobonimo ayaa ah labo aragti falsafi ah oo lid isku ah  hadana mid waliba leedahay maangalnimo ! sida ay labadaa aragtiyood u kala fog yihiin ayaa ay u baahsan tahay doodda ku saabsan asalka dawladeed .

Dr-Mohaamed-AbdilahiInta aynaan faqin falsafadda dawlad aynu siino qeexitaan kooban oo ah mid hadda la isla ogol yahay ; dawlad waa hanaan maamul oo leh dhul la isla yaqaan , shacab ku nool , awood xukunta ( xukuumad )  oo ay u raacdo madaxbanaani (sovereignty) iyo aqoonsi .

Abuurka dawladnimoda :

dadku waa noole kaga gaddisan nooleyaasha kale garaadka waxa se uu la wadaagaa dhaqamada dhalanka ah (qariizooyinka) oo ay ka mid tahay u tartamidda quudka si xubin kasta oo noole ah nolosha u xejisato (survival) , dadku tan iyo abuurkiisii waxa uu loolankaa nolosha ku la jiray nooleyaasha kale iyo dhexdiisa , waxa uu garaadku baray in ay isku duubni iyo is garabsi ku muquunin karaan dabeecada deegaanka ee ay quudka kala soo baxaan taasi waxa ay bartay in uu noqdo noole bulshaawi ah oo wada-jir u nool (social being) waxa se wali furdaamis u baahan loolanka dadka dhexdiisa iyo hardanka ka dhexeeyo xubnohiisa oo iyana keentay in ay isa sii kala bahaystaan oo kooxo kooxo gooni isula jira sii yeeshaan se ma dhamaado loolanku ugu dambeyntana loolanka ilaha quudku waxa uu halis ku yahay nolosha lafteeda si ku lid ah dhalanka (qariisada) waaridtaanka ee noole walba rabo markanna garaadku waxa uu baray in ay hindisaan hanaan kale oo ay loolankooda ku furdaamiyaan iyada oo la dhawrayo hiilkii dabeecadda la isaga garabsanayo waxaana sidaa ku abuurantay waxa aynu ugu yeedhi karno DAWLAD oo heerar badan soo martay lana horumaraysay garaadka ama koboca baraadka  !

Dadka qaar waxa ay yidhaahdeen dawladnimadu waa hab ay hindiseen kuwa awoodda leh si ay qaab caqliyeysan ugu sii xejistaan qaybta libaax ee ay ka helaan ilaha dhaqaale oo waagii hore hogaaminta waxa lahaa qofka ugu xoogga badan ka dibna waxa yeesha qofka ugu ciidanka badan ilaa haddana ciddii cudud badan ayuun baa badsata ilaha dhaqaaleha iyo talintaba sidaa awgeed dawladnimadu waa hab ay dadka awoodda leh ku  gumeeyaan dadka tamarta yar si ay uga badsadaan quudka nolosha iyo ilaha laga helo ka dibna dhaqamowday oo basharku qabatimeen !

kuwo kale waxa ay yidhaahdeen , maya e , dawladnimadu waxa ay ka dhalatay warwarka ay dadka jilicdasan ka qabaan in gobonimada (xornimada) laga qaado  oo xataa midka awoodda leh waxa uu ka walaacsan yahay in mar uun laga taag weynaan doono ka dibna laga qaadayo quudka uu heli karo ; warwarka taagdarro ayaa keenay in ay hindisaan dawladnimada oo ah awood ay isku  biiriyeen si ay u wada ilaaliso iyada oo mid walbana uu wax hurayo (sacrifice) waana heshiis ay tamar-xumadu yeedhisay  !

  aragti kale oo mug weyn waxa ay leedahay in dabeecadda hogaamin iyo hogaansamid tahay wax uu qofku la dhasho ama ku indho dillaacsado , lana da‘ ah jiritaanka dadka oo qof kasta waxa uu dhashaa isaga oo taag daran waxaana dunida ku soo dhaweeya dadka dhalay oo talada noloshooda gacanta ku haya isna waxa uu ku sandulleysan yahay in uu u hogaansamo , ka dibna waxa uu bartaa in qoyska laftiisu talada sii kala leeyahay oo lagu kala dambeeyo ; dabeecadda halkaa ka unkantay ee isu hogaansamidda ayaa ah isla midda ay ku qotonto dawladdu asalkana u ah .

Faylasuuf Thomas Hobbes (1588 – 1679) waxa uu ku dooday in ka hor intii aan la isku carbin dhaqamada , ay dawladdu ka mid tahay , lagu noolaa hardan lid la isku wada yahay taasi oo ugu dambeynta keenaysa in la wada khasaaro sidaa awgeed ayaa nooleha garaadka leh , intii isku dan iyo deegaan ahba , isku afgartay in cid walba wax ka tanaasusho oo meel dhexe cid ku ilaalisa loolanka la unko (dawlad) markaa dawladda waxa uu ku sheegay heshiis  bulsho (social contract) , waxa aragtiyo badan oo fasiraya dawladnimmada oo tan u dhaw ama ka dheer leh faylasuufyo badan laga soo bilaabo Aflaadoon (Plato) , Aristole , Ibnu  Khalduun iyo John Loke , Spinoza , Montesquieu , Jean-Jacques Rousseau  , Weber , Marx , Nietzche , Machiavelli , Imanuel Cant iyo kuwo kale oo badan oo aan aragtiyohooda darsi karno  .

Shaqada dawladda :

sida ay ku wareegayso falsafadda abuurka dawladnimo waxa shaqo u ah dawlad in ay kala hagto oo ay maareyso loolanka dadka u dhexeeya oo ay teed uga ahaato in la isla gaadho xaalad waxba ah (eber-la wada khasaaro)  laguna hardamo heer aan nolosha halis galinayn , dawladdu waa awooddii dadka oo urursan , waa awood cabsi galisa awoodaha qofeed oo ka waabisa in uu qof kale nolosha ka garbiyo , isla awooddaa urursan waxa loo adeegsadaa in ay ciddii urursatay ku kaalmeyso loolanka ay kula jireen cidaha kale ee ka baxsan oo dadyow kale ayaa lagu duulaa lana mooro duugo !

waxa sidoo kale ay dhawrtaa haybta mideysay bulshada dawladdaa leh oo , sida ay qabaan faylasuufyada qaar , dawladdu tiirarka ay ku unkanto waxa ka mid ah : sooyaal , awood hogaamiye iyo baahida nololeed !

horumarka baraadka iyo xogta garaadkeenu ku kobcay ee aan ka helnay waayo-aragnimada waxa ay hadda keentay in dawladdu yeelato xeerar iyo xilal saaran oo tiro badan iyo akhlaaq lagu hago kuwaasi oo aan qaybo dambe ku eegi doono dhawr kaalmood oo dawladdu nolosha ku leedahay iyo soodinteeda .

ku mahadsanid akhriste akhriska

W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .

Lasoco Qaybta Labaad…………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here