Qisada Hawlgalkii Birjeex Iyo Xog-warranka Muj. Haliil Oo Baabuurkiisa Lagula Baxay Muj. Cabdillaahi askar

0
25

MUJAAHID HALIIL

Hargeysa (Hubaal) Qoraalkan waxaa iska lahaa alla ha u naxariistee Marxuum Weriye Cabdirisaaq Maxamed Dubad oo ahaa suxufi weyn oo reer somaliland ah, kaasi oo sanadkii 2002-2003 soo ururiyey  taariikhdii iyo dhacdooyinkii hawlgalkii mucjisada ahaa ee lagula baxay Muj. Cabdillaahi Askar Barkhad, dhacdooyinkaas oo raggii uu Weriye Dubad waraysiga la yeeshay ka mid ahaa Muj, Yuusuf X. Cabdi Xandulle (Haliil) oo isagu kamid ahaa ganacsatadii waaweyneyd ee caanka ku ahayd dhoofka xoolaha oo isagu ku nool haatan Hargeysa.  Muj. Haliil waxaa uu ahaa ninka iska lahaa baabuurkii ay Ibraahim Koodbuur iyo kooxdiisu kula baxeen Cabdillaahi Askar, kaasi oo ay hawlgalka ku fuliyeen  Waxaana warbixintan oo qayb ahaan aanu halkan idiinku soo gudbinayno u dhignayd sidan:  Yuusuf X Cabdi Xandule (Haliil) oo ka mid ahaa ganacsatadii xoolaha ee Somaliland islamarkaana maalkiisii kaga qaybgalay hawlgalkii SNM ee Birjeex 1982, ayaa iiga warramay kaalintii uu kulahaa hawlgalka Birjeex iyo kulan dhex maray isaga iyo Muj. Ibraahim Koodbuur kahor hawlgalkan.  Waa kan Muj. Yuusuf X. Cabdi Xandule, oo ka waramaya Alle ha u naxariistee Muj C/llaahi Askar Barkhad, oo habeenkii Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo mujaahidiintii SNM miiska saraakiisha kala baxeen Mujaahidka, ayaa waxa uu sheegay, in maalinimadii uu Koodbuur u yimid, oo uu weydiistay gaadhi Landcrusar ah, una sheegay inuu hawl ku galayo, waxa uu yidhi “Ibraahin Koodbuur wuu ii yimid, waxa uu ii sheegay inuu gaadhiga iga doonayo, waxan ku idhi, maxaa dhacay, waxa uu ii sheegay inuu hawl ummada faa’iido u leh ku qabanayo, ka dib gaadhigii waan siiyay, aniga oo hawlahaygii ku guda jira oo adhi farabadan oo aan iibsaday meel ku xeraysan yahay. Habeenkii fiidkii markii hawlgalka ay kula baxeen Mujaahid C/llaahi Askar ee aan ogaaday, aniga oo aan xoolahaygii iyo lacag meel ii taalay oo shaqadii aan ku noqon, markii aan ogaaday in hawlgalkaas bir-jeex dad loo xidhxidhay ayaan tagay guri Jameecada ku yaala halkaas ayaan u hoyday oo gurigaygii umaan hoyan, ka dib laba maalmood ayaan sii joogay Hargeysa sidaas ayaan kaga daba talaabay, waxay faqashtii ka dib bilawday inay xaasaskii xidhxidho aniga gabadhaydii way xidhay, xaaskii Ibraahin Koodbuur way xidhay dhibaatadaas ayay gaadhsiiyay maatadii C/llaahi Askar Barkhad Alle Ha u naxariistee waxa uu ahaa oo aan ku aqaanay geesinimo, Nin qiime leh, daacad ah dhamaan mujaahidiintii dhimatay alle ha u naxariisto.” Ayuu yidhi Yuusuf X Cabdi Xandule (Haliil) oo ka mid ahaa ganacsatadii xoolaha ee Somaliland islamarkaana maalkiisii kaga qaybgalay hawlgalkii SNM ee Birjeex 1982,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here