“Waxaan Warbaahinta Kala Socdaa In Abaartii [1974] Oo Kale Ay Dalka Ka Jirto, Sida Abaartii Daba-dheer Lagaga Samato-baxayna….”

0
24

Aqoonyahan Siciid Maxamed Gees Oo Ka Sheekeeyey Isu-ekaanshaha Abaartii 1974 Iyo Ta Xilligan Somaliland Ka Jirta+ Qorshe Uu Isagu Hindisay Oo 1974 Lagaga Samato-baxay Abaartii Daba-dheer

 “Abwaan Darwiish Ismaaciil Mire Oo Xilli Abaar Ah Geed Hadhsanaya, Ayaa Shimbirka Gobyohan-Dhoore La Yidhaahdaa Uu Ka Ciyey Dushiisa, Kadibna….”

 Guuguulihiiyaw haddaad gu’ga u ooyeysid

Ood mooday keligaa inuu dhibayo jiilaalku

Geddigood adoomaha waxa gaadhay nabar weyne eh

Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaadamoo kal

Garta maaha inaad keligaa gaar u cabataaye

Geelii aduunka u adkaa gobolo weydooye

Golahii ka kiciwaa raggii gaydho hayn jiray eh

Ismaaciil Mire

gees-aabihii

 Abwaan Darwiish Ismaaciil Mirre oo xilli abaar ah geed hadhsanaya, ayaa shimbirka Guuguulaha la yidhaahdo ama Gobyohan-dhoore uu ka ciyey dushiisa, kadibna uu tiriyey gabaygan aan ka soo qaatay tuducyadan.

Ismaaciil Mirre oo Maamulkii Maxmiyadda Somaliland ku soo xidhay Hargeysa sannadadii kontomaadyadii Qarnigii Labaataand ee hore (1950+), ayaan dhiig ka qaaday dhawr jeer mar uu xannuunsaday. Waxa lagu soo xidhay gabay guubaabo ah oo uu tiriyey oo looga baqay inuu fitno ka dhex dhaliyo beelaha deegaanka Laascaanood ku noolaa.

Haddii aan ku soo noqdo warkii shaqadayda iyo Muqdisho, aniga oo weli haya xilkii Laanta Hakinta Duumada ayaa ku-meel-gaadhnimo Wasiirkii Caafimaadku iigu dhiibay Waaxdii Cudurrada Faafa (Department of Epidemiology) ee Wasaaraddaas, markuu si kedis uu u geeriyooday Agaasimihii Waaxdaasi sannadkii 1972-kii.

Waaxdaas waxa hoos iman jiray laamahan:

  1. Laanta Hakinta Duumada
  2. Hakinta Qaaxada
  3. Mashruuca Kaadi-dhiigga (Bilharzias)
  4. Mashruuca Juudaamka
  5. Ololaha Nadaafadda (Sanitation)
  6. Ballaadhinta Tallaalada
  7. Cusbitaalka Cudurka Qaaxada.
  8. Dhawridda Deegaanka (Pollution Control).

Siday u dhacdayba Wasiirkii Maxamed Aadan Sheekh xilkii Wasiirnimada waa laga qaaday, waanna la xidhay sannadkii 1973-kii, kadibna waxa Wasaaraddii Caafimaadka la keenay Wasiir cusub. Wasiirkii ayaa la yimi rakaab cusub aniga waxa la ii diray Bootiku ama Xallane, Xero Ciidan oo tababar Ciidan iyo Hannuunin ku–sheeg lagu qaban jiray; dhallinyarada shaqo qaran (National Service) ayey u ahayd oo waa loo baahnaa, dadka waaweyn dhib ayey ku ahayd, dhawr qof ayaa ku dhintay oo uu ka mid ahaa Abwaan Carrays Ciise. Waxa mashruuca Xallane ahaa mid siyaasiintu kaga aar-goosato shaqaalaha oo la isku wanjalo. Haddaba, waxa Muqdisho lagu qabtay shirkii Madaxda Dalalka Afrika (1974), deeto xeradii Xallane ayaa loo baahday, taas oo dhallisay in qoladayadii ku jirtay la fasaxo. Abaar ayaa iyana ku dhufatay dalka sannadihii (1974 – 1975) oo lagu naanaysay Daba-dheer, hadda waa isla sannadkii shirka la qabtay ee la casuumay madaxda Afrika ee la geliyey khasrashka badan iyada oo la isku dhisayo.

Xukuumaddii Soomaaliya waxay qaylo-dhaan u dirsatay Jimciyadda Qaroomaha, waxa loo soo diray Ku-xigeenkii Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaroomahu ee qaabilsanaa dhibaatooyinka ay aafooyinku keenaan.

Sarkaalkii ayaa Xamar ka soo degay, kadibna markuu la kulmay Guddigii Abaarta oo shirkoodii dhammaaday ayuu ninkii waydiiyey inuu joogo Mr. Gees Muqdisho isaga oo aniga i sheegaya. Qoladii guddiga ahayd ayaa faraxday markay maqashay in ninku qof Soomaali ah ay is-yaqaaniin, waxayna u sheegeen in Mr. Gees uu berri raacayo oo soo tusayo dadka abaartu ku dhacday iyo goballada ay joogaan.

Hadda anigu fasax ayaan ku jiraa war cidi ii ma hayso meel aan joogo, habeen badhkii ayaa gurigii la iigu yimi oo la i faray inaan toddobada aroortii garoonka diyaaradaha imaaddo anoo wefdi kaxaynaya tagaya Garoowe.

Aroortii markaan garoonkii tegay, Ku–xigeenkii Xoghayaha Jimciyadda Qaroomahu waxa uu noqday nin Giriig ah oo 1966 aannu isku baranay shirkii Ururrada Bisha iyo Laanqayrta Cas ee Addis Ababa lagu qabtay ee aan hore uga soo sheekeeyey. Ninka isku Guddi-hoosaad ayaannu ahayn shirkaas oo aan si fiicaan u wadashaqayn.

Haddaba, markii uu i arkay aad ayuu ugu farxay kulankayagii, halkii ayaan ku wada sheekaysanay oo diyaarad yar oo boolisku lahaa u raacnay Garoowe. Madaxdii Gobalka Nugaal oo markaas Sool ka mid tahay oo Garoowe magaalo-madaxa Gobalka u tahay ayaa nagu soo dhoweeyey garoonkii diyaaradaha,

markiiba Guddoomiyihii Gobolka ayaan warsaday, “Waar dadkii abaarsaday meeye?” Waxa uu iigu jawaabay; “Dee magaalada ayey galeen.” Waxaan u sheegay dadka magaalada oo dhan rag iyo dumar iyo carruur oo wixii reer magaalka u muuqda ee xaragoonaya laga reebo in degdeg inta aan shaah cabbaynayo la tubo togga Garoowe, isaguna sidii ayuu yeelay.

Ninkii Jimciyadda Qaroomaha ka socday waxa uu arkay dadkii oo tuban togga, waxa uu ii weydiiyey; “Waxaan oo dad ahi ma abaarta ayaa ku dhacday?” Waxa aan ku idhi waa intii soo gaadhi kartay magaalada ee intii kale miyiga ay ku liitaan. Ninkii waxa uu igu yidhi degdeg Muqdishu iigu celi, socdaal uu ku tegi lahaa Laascaanoodna wuu joojiyey, “Meel kale uma baahni inaan arko,” ayuu yidhi.

Ama abaari ha dhacdo ama yey dhici eh, markasta dadweynaha Soomaaliyeed waa diifaysan yihiin oo faqri ayaa ku habsaday. Markiiba waxan fooniyaha (Raaadiyaha Rakaalka) kula hadlay Guddigii Abaarta oo u sheegay warkii.

Waxa kale oo aan u sheegay in ergaygu uu caawaba warbixin ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka jirta u dirayo Xoghayaha Jimciyadda Qaroomaha. Markaan Muqdisho ku noqonayey ee aan warbixintii dhiibay ayaa degdeg la iigu daray Guddigii Abaarta oo aannu wakiil ka noqday Wasaaraddii Caafimaadka. Xubinnimadii waxay keentay inaan amarkayga iyo tallooyinkaygu ay hirgeliso Wasaaraddii Caafimaadka oo ay fuliyaan wixii abaarta ku saabsan.

Waxa aan socdaal ku kala bixiyey Garoowe, Eyl, Qardho, Laascaanood, Beer, Burco iyo Hargeysa oo aan ku talogalay meelaha dadka caydhoobay la dejinayo, iyada oo laga duulayo helitaanka biyo, xaabbo, dugsi iyo waddooyin loo maro.

Dalku laamiyo ma leh waa jid-cade iyo qardo-jeex dhib ah iyo is-gaadhsiin la’aan, mana jiraan moobillada la iskula xidhiidhayo maanta meel walba. Dadkii markii dambe waxa loo daad-gureeyey deegaanno koonfur ah sida Kutiwaaray, Sablaale iyo Dujumo oo webiyada Shabeelle iyo Jubba saaran. Sidaas ayaa lagaga sabata-baxay abaartii Daba-dheer. Waxa aan warbaahinta kala socdaa in abaartii oo kale ay dalka ka jirto, aniguna waxaan leeyahay Ilaahay dadka ha u fududeeyo. Aamiin…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here