Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley Oo La Magacaabay

0
13

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa Kaltuun Haaruun Maxame U magacaabay inay noqoto, guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbigaasi ee Gobolka Gabiley. Qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ahna musharraxa xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignaa sidan;

Ref. No: XK/XGX/0042253/2017                                                                                                                April 15th, 2017

 

Ku: Kaltuun Haaruun Maxamed                                                                     = Gabiley =

Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley                       = Gabiley =

                                                           

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE                                               = Hargiesa =

Ujeeddo: Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE  ee Gobolka Gabiley Oo La Magacaabay.

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha  Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.

 

Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

                                                        

 ALLAA MAHAD LEH

 Muuse Biixi Cabdi

                  

______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here