Weeraro Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0
14

gaadhi la qarxiyay

Dhowr hoobiye ayaa loo riday dhanka garoonka diyaaradaha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la dagaallameen kooxda hoobiyayaasha riday. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaas ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda. Wararka waxay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah kooxdaaasi la dilay, midna la qabtay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in shacabka ay gacan ka geysteen arrinta ayna la shaqeeyeen ciidamada dowladda. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay. Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaadhi walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen. Waxay xaqiijiyeen in gaadhigaasi markii dambe uu qarxay.

Dhinaca kale, Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegeyso in qarax ay la kulmeen gawaari ay leedahay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow goobtii ay marayeen gawaarida hay’adda oo ah gudaha Muqdisho.

Laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa dhaawac fudud uu gaaedhay, sida ay sheegtay WFP oo baadheysa in weerarka lala damacsanaa gawaadhideeda iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here