Madaxweyne Geelaha Jabuuti Oo Si Taxadar Leh Uga Hadlay Koox Diimeedda Saadicuun Bilxaq Ee Hargeysa Lagu Xidhxidhay

0
17

Madaxweyne Geelle Oo Aan Wax Weyn Kasoo Qaadin Saamaynta Kooxdani Yeelan Karto

Madaxweyne Geelleh

Djibouti:(Hubaal)-Madaxweynaha dalka aynu deriska nahay ee Djibouti Md.Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay urur-diimeedka la baxay Saadicuun Bilxaq oo dhawaanahan lagaga dhawaaqayey meelo badan oo ay Somaliland kamid tahay, isla markaana xubno kamid ah xabsiyada Hargeysa lagu guray.

Madaxweyne Geelle oo u warramay Telefishanka SAABTV, ayaa hoos u dhigay  shakiga uu kooxdan ka qabo, isaga oo xusay inay maqal uun isaga ku tahay, isla markaana ay kooxdaasi ku abtirsado kudladda Takfiiriga loo yaqaanno, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annagu waxaas maanu maqal, baraha bulshada ayaana laga sheegay dad leh waxanu nahay kuwa aan sheegidda xaqa ka gabbanin, waana takfiiridii hore uun waxa ay ka farcamayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay odhaahihii ay kooxdaasi ku cabirtay hab-dhaqankooda iyo rabitaankooda mustaqbal, waxana uu xusay in saxaafadda looga baahan yahay inay baadhitaan dheeri ah ka sameeyaan, “Nimankaasi waxa leeyihiin dagaal ma gelayno, urur siyaasadeedna ma doonayno inaanu noqono, ninka noogu yidhina waa 50-jir bay leeyihiine fasira idinkaa saxaafaddii ahe anagu meel ay ka yimaadeen ma garanaynee,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kooxda Saadicuuna Bilxaq ayaa dhawaan magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisho kaga dhawaaqay jiritaankooda, waxana ay taasi keentay inay xukuumadda Somaliland tallaabo degdeg ah qaado, isla markaana xabsiga ku gurto xubno kooxdaas kamid ahaa, balse weli dhinaca dalka Djibouti lagama hayo wax dhawaaq ah oo jiritaanka kooxdan muujinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here