Xisbiga WADDANI Oo Hoos u Dhigay Kalsoonida Uu Ku Qabo Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
16

Cabashada WADDANI Oo Shidaal Kusii Shubaysa Dabkii Dhinaca Kalsoonida ah Ee Ku Baxayey Komishanka Doorashooyinka

cali cantar

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa cod dheer ku muujiyey sida ay uga shaki qabaan awoodda waxqabad ee guddida doorashooyinka qaranka, waxana ay tilmaameen inay warwar badan dareemayaan.

SiyaasiCali Cantar  oo kamid ah sarsare ee xisbiga WADDANI oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo daliishaday dhaliilihii uu la-taliyihii hore ee madaxweynaha u qaabilsanaa arrimaha doorashooyinka Md. Cabdilaahi Jawaan u jeediyey komishanka doorashooyinka, waxana uu hoosta ka xarriiqay in baahi badan loo qabo sidii ay xubnaha komishanku arrimahaas isaga barrixi lahaayeen.

Cali Cantar waxa komishanka ka codsaday inay caddayeen ujeeddada shirar-doceedyada la weriyey inay galeen, islamarkaana ay meesha ka saaraan tuhunka arrintaas ka dhashay, waxana uu yidhi, “Komishanka waxanu leenahay shirar-doceedyada aad gasheen waa inaad caddaysaan oo aad warbaahinta ka caddaysaan, annagu haddii aanu nahay xisbiga WADDANI tuhun baa na galaye komishanku ha is caddeeyaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in xubnaha Komishanka looga fadhiyo inay caddeeyaan sababta ay ku diideen shirkii madaxtooyada ka dhacay ee uu Cabdilaahi Jawaan sheegay inay ka qaybgalkiisa u diideen, “Isaga oo Cabdilaahi ahaa xubintii Komishanka qaabilsanayd wasiirkii madaxtooyadana aad la shirayseen waxanu leenahay waxaas uu Cabdilaahi Jawaan sheegay umadda ha u caddeeyaan,” ayuu yidhi siyaasi Cali Cantar oo katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Dhaliilihii uu dhawaan Cabdilaahi Jawaan u jeediyey xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka iyo tamar-darradii uu ku sheegay, ayaa abuuray shaki ballaadhan oo ku saabsan sida ay xubnahani u qaban karaan doorasho xalaal ah oo hufan, waxana weli su’aalo badan la iska weydiinayaan go’aan qaadashadooda iyo isku dubba ridka hawlaha adag ee waqtigan xaasaasiga ah hor yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here