Burco: Taliska Booliska Oo Ka Warramay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dhallinyaro Faashash Iyo Budhadh Isku Weeraray

0
22

burco

Hargaysa:(Hubaal)-Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cabdi Muuse Cabdilaahi, ayaa faahfaahin ka bixiyey rabshado kooxo dhallinyaro ah ku dhexmaray xaafadaha magaalada Burco oo keenay dhimasho iyo dhaawacyo.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in labadan kooxood oo kubada wadda ciyaarayay ay isku dhaceen taasina ay Keentay in ay gacmaha iskula tagaan, isla markaana uu halkaas ku dhinto wiil dhallinyarada kamid ahaa, halka uu mid kalena dhaawac gaadhay, “Hadaan idiinka waramo arinta Habeen hore ka dhacday magaalada burco ciyaal isku laynayay laba kooxood oo rabshaduna ay ka bilaabmatay kubad ay wada ciyaarayeen oo imika ciyaalkeena waad taqanaa oo marka ay kubada wada ciyaraan  hadii

aad gool ka dhaliso waxa ay ku odhanayaan waa inoo hadhow magaaladii,markaas arintaas ciidanku markii uu ka war helay Rabshadaasi kubada ka bilaabmatay wuu ku baxay si uu xaalada u dajiy,” sidaas ayaa uu yidhi taliyuhu isaga oo la hadlayay warbaahinta Burco.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu halkaas ku dhiintay wiil dhallinyarada kamid ahaa, halka uu mid kalena ku dhaawacmay, ”Markaas waxa dhacday in ay nin iska dileen nina ay iska dhaawaceen labadii kooxood ee kubada wada ciyaarayay,markaas ciidanka boolisku rabshadaas gacanta ayuu ku qabtay ninka marxuumkiina wuu dhintay, waxa rasaas ahna iskumay adeegsan ee waxa ay isku adeegsadeen midiyo iyo birihii ay isla dhici jireen,” ayuu yidhi talilye Cabdi Muuse Cabdilaahi.

Ciidanka booliska gobolka togdheer ayaa heegan buuxa la galiyay si aanay rabshado kale uga dhalan magaalada Burco madaama oo hal qof ku geeriyooday midna ku dhaawacmay laba kooxood oo  habeen hore gacanta iskula tagay magaalada Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here