UCID Oo Ku Hanjabay Inuu Ka Bixi Doono Doorashooyinka Soo Socda, Eedo Culusna U Jeediyey Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Maxkamadda Sare

0
10

“waxa aanu go’aan ka gaadhi karnaa inaanu kalsoonida kala noqono hay’adaha arrimahani khuseeyaan, waxa kale oo aanu go’aan ka gaadhi karnaa inaanu doorashada gebigeedaba ka baxno….” Xoghayaha Arrimaha Bulshada UCID

ucid saxaafada

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa eedo kulul u jeediyey hay’adaha caddaaladda ee dalka iyo guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ee dalka, isla markaana ku hanjabay inay ku dhiirran karaan go’aan ka gaadhista sidii ay uga bixi lahaayeen doorashada dalka kusoo foolka leh.

Shir jaraa’id oo ay shalay saraakiil xisbiga katirsan oo ay kamid yihiin Afhayeen Shabbaash, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Md. Yuusuf Keyse Cabdilaahi iyo Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID Md. Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayey ku sheegeen in dacwado ay ka gudbiyeen xildhibaanno goleyaasha deegaanka ee dalka oo kasoo baxay xisbigooda, balse axsaabta kale ku biiray ay dhegaysigooda diideen maxkamadda sare ee dalka iyo weliba guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah ee dalku.

Xubnahani waxa ay sheegeen inay ka niiyadsan yihiin diidmada maxkamadda sare ee dalka iyo guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ahi, taasina ay keeni karto inay dib uga fikiraan go’aanka ay kaga qaybgeli karaan doorashada madaxtinimada ee dalka ka qabsoomi doonta dhammaadka sanadkan aynu ku jirno.

Waxa ay eedo kulul u jeediyeen labadaas hay’adood oo ku tilmaameen qaar caddaaladda baal maray, isla markaana isku tuurtuuray qaadista dacwaddii ay gudbiyeen oo ay xuseen inay natiijadeeda xiiso badan u qabaan.

Xoghayaha arrimaha Bulshada ee xisbiga UCID Md. Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isagu carrabka ku adkeeyey inay xisbi ahaan ka tashanayaan ka qaybgalka doorashada soo socota ee madaxtinimada, ayaa waxa uu yidhi,“Xisbi ahaan waxad moodaa in xisbiyadii imika la is yidhi mudaharaadkii waad ka joojiseene awoodo kale oo xisbigu leeyahay oo la dabbaqi karo ayaa jira, annaga iyo xisbiga kale ee mucaaridka ah ee nala midka ahina waxa aanu go’aan ka gaadhi karnaa inaanu kalsoonida kala noqono hay’adaha arrimahani khuseeyaan, arrintaasna waanu ka hawlgelaynaa, waxa kale oo aanu go’aan ka gaadhi karnaa inaanu doorashada gebigeedaba ka baxno.”

Hadalka kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa noqon kara mid shaki gelin kara sugnaanshaha doorashada madaxtinimada ee dalka ka qorshaysan, maadaama sharci ahaan aanay cadayn qaabka dalka looga qaban kara doorasho ay laba xisbi oo kali ah ka qay-gelayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here