Guurtida Oo Laga Hor Akhriyey WArbixin Kala Hormaysay Kiisaska Dilka & Kufsiga Ee Somaliland Ka Dhacay Sannadkii Hore

0
15

Sida Ay Gobolladu U Kala Hormaysan Yihiin Fal-dembiyeedyada Kufsiga,Dilka, Budhcadnimada, Shilalka Iyo Maandooriyaha

guurti

Hargeysa (Hubaal)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo bandhigay tirada kiisaska dilka iyo kufsiga ah ee dalka ka dhacay kal hore. Guddida Shuurucda , Arimaha Garsoorka iyo xaquul iinsaanka ee golaha guurtida Somaliland ayaa  war bixin ka soo saarey  kiisaka dilka iyo kufisiga ah ee sanadkii 2016 ka dhacay Somaliland.

Warbixin shalay laga akhriyey fadhigii golaha guurtida ayaa ay Guddidu ku shaacisay tirada kiisaska iyo sida ay u kala dhaceen,  kuwaas oo ay hab gobolaysan u hormaysay.  Waxaanay u dhignayd warbixintu sida tan:

Gobolka Maroodi-Jeex :-Waxaa ka dhacay: Dil (15) , Budhcadnimo (108), Kufsi (26), Shilgaadhi (55), Maandooriye (27), Iskuday dil (18). Gobolka Togdheer:-Waxaa kadhacay: Dil (26), Budhcad-nimo (37), Kufsi (17), Shil gaadhi (29), Maandooriye (43), Iskuday dil (17). Gobolka Awdal:-Waxaa ka dhacay : Dil (6), Budhcadnimo (11), Kufsi (8), Shil gaadhi (4), Maandooriye (12), Isku day dil (4). Gobolka Saaxil:-Waxaa ka dhacay: Dil (12), Budhcadnimo (4), Kufsi (6), Shil gaadhi (47), Maandooriye (20), Iskuday dil (2). Gobolka Sanaag:-waxaa ka dhacay : Dil (6), Budhcadnimo (4), Kufsi (19), Shilgaadhi (6), Maandooriye (4), Iskuday dil (8). Gobolka Sool :-waxaa ka dhacay : Dil (3), Budhcadnimo (5), Kufsi (8), Shilgaadhi (12), Maandooriye (24), Iskuday dil (24).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here