Sooyaalkii Illaahay Ha U Naxariisto Walaallahy Foosiya Maxamed Yuusuf (1955-2017) & Asma Maxamed Yuusuf (1957-2017)

0
30

“Geeridu Xaqweeyee, Wayse Kala Gundheer Tahay, Midbaad Goonyaha Jalleecdaa, Garabkaaga Eegtaa, Hadba Gees U Booddaa!!!”

 

Qalinkii Iyo Xog-warankii: Sayid-Axmed M Yuusuf

 

 Axmed

 Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim Waxa ay ahayd maalin axad ah, oo fasax laga yahay shaqooyinka dalkan Iswidhan, taariikhduna ahayd 26-03-2017. Sida ii caadiga ah, maalinta axadda, gelinkeeda danbe guriga ayaan joogaa, haddaanan hawl kale lahayn. Goor ay tahay 16:00 (afartii Galabnimo) ee goorsheegta Iswidhan ayaan arkay war la soo geliyey WhatsApp kooxeed aan ku jiro. Farriintaas waan dhegaystay, waxaanay farriintu ahayd in dooxa Awbarkhadle uu qaaday gaadhi ay la socdeen laba hablood oo walaalo ah. Ilaahay ha u naxriisto iyo dareen isku dhafan oo aan dareemay farxaddii roobka iyo geeridaas naxdinta leh. Laakiin marnaba maankayga maan gelin waad garanaysaa labadaa hablood ee walaalaha ah. Laba saacadood  ka dib oo aan qiyaasayo in saacaddu ahayd 18:00 (Lixdii fiidnimo) ayaan qabtay telefoon Maraykanka laga soo diray. Salaanba ilama uu sugin ee waxa uu i weydiiyey in ay run tahay geerida Foosiya iyo Asma. Waan jawaabi kari waayey, waayo waxa i horyimi gaadhigii aan arkayey iyo anigoo ogaa in ay ku maqnaayeen Magaalada Sheekh. Waxa aan ku idhi wax wara maan maqal ee aan waraysi tago. Telkii ugu horreeyey ee aan garaaco, waxa uu ahaa walaashay Samsam oo London deggen, oo warka maqashay. Telkii ay iga qabatay ayaan markiiba garwaaqsaday oo rumaystay in warkii la i weydiiyey uu run yahay. Intii ka danbeysay, waxa bilaabmay telifoonno aanan qiyaasi karin inta aan ka jawaabay iyo inta aanan ka jawaabin oo malaa is le’gaa.

– 20:00 (Siddeeddii habeennimo) ayaan go’aansaday in aan goosto tigidhka oo aan Hargeysa tago. Isla markiiba waxa aan eegay Passportkii, mise waabuu dhacay.

Geeridu kala gundheer,

Midbaad Goonyaha Jalleecdaa,

Garaadkuna ku liicaa,

Gawsuhu Gariiraan,

Garabkaaga Eegtaa,

Hadba Gees u oroddaa,

Goobtuna kaa fogaataa

Nasiibwanaag waxa aan ku guulaystay in aan helo Passport ku meelgaadh ah. Sidii ayaan maalintii danbe ee Isniinta ku baxay, anigoon cidna odhan waan soo baxay, ayaan ka degey Hargeysa. Markii aan ka degey Hargeysa dareen murugo ayaan aad u sii dareemay, waayo. Waxa iga hor iman jirtay inta badan Foosiya IHN. Markii aan dayuuraddii ka degey, ee aanan weli gelin gudaha Madaarka, ayaan sheedda ka arkay Saaxiibkay, oo aanu ilaa yaraantii goob ku soo wada kornay, tan iyo maantana aanu xidhiidh lahayn, ahna Ikhwaankii Dariiqada Sheekh, Siciid Maxamed Cabdi, oo la socda dhawr qof oo kale. Markii uu i arkayba waxa uu u soo tallaabo dheereeyey dhankaygii oo uu salaan ay ka muuqato naxdintii geerida ayuu igu qaabilay. Dabadeed isagaa i qaaday ilaa gurigii walaalo Yaasiin Maxamed oo Jigjiga Yar ku yaalla.  Haddaba maanta waxa aan waxoogaa ka qori karaa, sooyaalkii Foosiya iyo Asma oo ku geeriyooday shil baabuur ama aan idhaahdo gaadhigii ay wateen uu daad ku qaaday dooxa Awbarkhadle markay taariikhdu ahayd 26-03-2017. Ilaahay ha u naxariisto, jannaooyinkiisa kuwa ugu sarreeya ayaan Ilaahay uga baryey Aamiin. Inta aanaan Sooyaalkaa taariikhda kooban gelin aan halkan uga mahadnaqo. Dhammaan dadkii ducada iyo taageerada aan marna ka daalin. Hadday noqoto telifoon ama aaladaha kale ee lagu xidhiidho sida Facebuugga oo aanan intii hore haleelin, balse aan maalmihii danbe haleelay, oo aan arkay ducada aan kala go’a lahayn ee loogu duceeyey Foosiya iyo Asma Ilaahay ha u naxariistee. Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa, in badan oo si gaar ah ii barbar istaagtey maalmahaas tiiraanyada lahaa. Waxaan ka xusi karaa intaan xasuusto, haddii aan kala Illaabo , kas igama aha ee raalli ka ahaw haddii aanan ku magacdhebin.
Xasan Cabdi Madar, Maxamed Cabdillaahi Xasan (Boosheri), Cabdishakuur Caaqil, Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxamuud Ciise, Cabdiwahaab Jirde, Abiib Xuseen Faarax, Cabdi Ibraahin (Kayd), Siciid Ismaaciil Aadan, Nuux Ismaaciil Maxamed, Cabdiraxman Xaashi Cabdi, Axmed Yuusuf Abokor, Ismaciil Shafeec, Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan (Sheekhal Casri), Cali Looyar, Axmed Cali Nuur, Axmed Aw-Geeddi, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guribarwaaqo iyo Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Intaa iyo boqollaal kaleba waxa aan leeyahay Ilaahay ducadii ha innaga aqbalo aamiin. Waxa aanan marnaba Illoobi karin, intii aan maqnaa sidii ay u garab galeen reer Iswidhan Sahra Cali Kaahin oo ah xaaskayga iyo carruurtayda. Gaar ahaan haweenka oo ah lafdhabarta qoyska ayaa goob kasta iyo goor kastaba barbar taagnaa qoyskayga.

Sooyaalkii Foosiya Maxamed Yuusuf IHN (1955-2017)

 

Foosiyi waxa ay ku dhalatay magaalada Sheekh gu’gii 1955kii, dugsi qur’aankii ilaa dugsigii dhexe waxa ay ka bilawday magaalada Sheekh. Dugsiga dhexe waxa ay ku dhammaysatay Dugsigii Kaasababullaare ee ku yaalley magaalada Muqdisho 1976kii, waxa ay u gudubtay dugsigii CTC-da oo lagu baran jiray maamulka iyo xisaabaadka. Dugsigaa oo ku yaallay Hargeysa, ayey ka soo qalin jebisay 1977kii. Shaqo muddo kooban ah ayey ka qabatay magaalada Muqdisho, oo ahayd Wasaaraddii Maaliyadda qaybtii agaasinka guud ka dibna waxa loo soo bedelay waaxda kastamka ee Muqdisho, halkaas oo ay hal sanno ka soo shaqaysay. Sannadkii 1978kii bishiisii Julay ayey u soo wareegtay magaalada Berbera. Halkaas oo ay ka shaqaynaysay ilaa 1984kii. Sannadkii 1985tii ayaa loo bedelay Muqdisho. Ilaa gu’gii 1987 ayey ka shaqaynaysay Muqdisho, balse isla sannadkaa ayey u dhooftay dalka Jarmalka oo ay ilaa lix bilood ku maqnayd, arrimo caafimaad awgood. Waxa ay Foosiyi aqal yeelatay 1984kii, iyadoo deggen Berbera. Sayga ay guriga wada dhisteen waa inaabtigeed Maxamed Xasan Xaaji Adan. Ubad isumay yeellan. Bishii April ee 1988kii ayey ku soo noqotay magaalada Sheekh, xilligaas oo ahayd bil Ramadaan, ka dibna waxa dhacay dagaalkii dhexmaray xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM. Dagaaladaas ka dib waxa ay Foosiyi u qaxday Itoobiya iyadoo ay la socdaan Hooyadeed iyo walaalaheed Yaasiin iyo Sayid. Isla 1988kii ayey ku noqotay Muqdisho, halkaas oo ay uga sii dhooftay dalka Cummaan oo uu ka shaqaynayey adeerkeed Cabdilaahi Ibraahin Jambajambe, Safaaraddii Soomaalida, halkaana waxa ay ku sugnayd saddex bilood.  Waxaanay uga sii gudubtay dalka Suuriya oo ay deggenayd hal sanno oo ah gu’gii 1989kii. Waxa ay uga sii gudubtay dalka Kuwayd oo uu deggenaa Saygeedu Maxamed Xasan. Dhawr bilood ka dib waxa ka dhacay Kuwayd dagaal weyn oo uu ku soo qaaday Saddaam Xuseenkii Ciraaq. Dagaalkaas ayey ka qaxeen, waxaanay galeen dalka Ciraaq, oo ay sii mareen magaalada Basra, ugana sii gudbeen caasimadda oo ahayd Baqdaad. Halkaana kuma ay sii hakan ee waxa ay uga sii gudbeen dalka Joordan oo ay saddex bilood joogeen. Socodkii dheeraa ee qaxootinnimada ahaa kama hadhin Foosiya, oo ay wada socdeen Saygeeda iyo adeerkeed Axmed Ibraahin, waxa ay nasiib u heleen in ay galaan dalka Holland oo ay weydiisteen magangelyo bishii Noofambar 1990kii. Waxa ay Foosiya iyo odaygeedu deggenaayeen dalka Holland intii u dhaxaysay 1990kii ilaa 2003kii oo ay dib ugu noqdeen dalkii hooyo, Hargeysa. Foosiyi ilaa maalintan nolosheedu ku ekayd waxa ay degennayd Hargeysa. Intii ay deggenayd waxa ay gacanta ku haysay Aabaheed oo geeriyooday 2014kii iyo Hooyadeed oo geeriyootay 2006. Labada waalidba nasiib bay u heshay in ay gacanta ku hayso sannadihii ugu danbeeyey noloshooda. Foosiyi waxa ay taariikhda Soomaalida ku soo kordhisay in ay noqotay inantii ugu horreysay ee gaadhi ka saarta jidka buurta Sheekh 1980kii. Ma aha jidka maanta la maro, ee waa kii hore ee rafka ahaa. Waxa ay xilligaa ka shaqaynaysay Kastamka dekedda Berbera, sidaa awgeed hooyadeed iyo walaalaheed oo deggenaa magaalada Sheekh ayey Kahmiista gelinka danbe u iman jirtay. Taasoo ay dareentay in ay u baahantahay gaadhi ay iyadu gacanteeda ku wadato. Sababtaa ayey aabbaheed uga codsatay in uu gaadhi yar u soo diro. Waxa uu aabaheed u soo diray gaadhi yar oo Toyota Starlet ah, aabbo isagaa gacantiisa ku baray gaadhiga Foosiya. Waxa ay ahayd Foosiyi qof naxariis badan, waxa ay noo ahayd hooyo oo kale, waxa ay barbar taagnayd aabbaheed, ilaa maalintii ay shaqo bilawday waxa ay garbgashay aabbaheed iyo hooyadeed. Waxa aanu sugi jirnay maalmaha Khamiista oo noo ahayd sida maalin ciida oo kale, marka ay Berbera ka timaaddo annagoo Sheekh deggen.

– Sooyaalkii  Asma Maxamed Yuusuf IHN (1957-2017).

Asmi waxa ay ku dhalatay magaalada Sheekh 1957kii. Malcaamadda waxa ay ka gashay Sheekh. Sannadkii 1969kii ayey dugsiga hoose ee Sheekh ka gashay. Ka dib waxa ay u gudubtay dugsiga dhexe oo ay ku dhammaysatay magaalada Sheekh. Sannadkii 1977kii ayey gashay dugsigii tababarka macallimiinta ee Xalane, gaar ahaan dhaqaalaha guriga. Shaqadii ugu horreysayna waxa ay ka bilawday magaalada Burco oo ay ka noqotay macallimad dugsiga dhaqaalaha guriga ee Burco sannadkii 1978kii. Asmi iyada oo ku shaqaysa macallinimo ayey dhanna kaga jirtay waxbarashada dugsiga sare ee Sheekh 1979kii. Ilaa iyo sannadkii 1985kii waxa ay Asmi macallimad ka ahayd dugsiga Dahaqaalaha Guriga ee magaalada Sheekh. Sannadkii 1986kii ayey ka hawlgashay wasaaraddii waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada dadban, tan iyo sannadkii 1988kii. Ka dib waxa dhacay dagaalladii waaweynaa ee bilawga u ahaa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida, waxaanay u soo qaxday dalka Jabbuuti, oo ay muddo yar ku sugnayd, waxayna u sii dhaaftay dalka Itoobiya. Gu’gii 1989kii ayey aqal yeelatay, waxaanay qoys wada dhiseen Inaabtigeed Faysal Axmed Xaaji Aadan. Waxa ay ku aqal galeen magaalada Dabaylweyne oo ku taalla qaybta soomaalida ee Itoobiya. Markii dagaaladii lagaga adkaaday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayey u soo wareegeen Hargeysa 1991. Inanteedii curad waxa ay ku dhalatay Hargeysa bishii feberweri 1992kii.

Muumina                          Hargeysa                            22/02/1992

Aadan                                Hargeysa                            28/11/1993

Xasna                                 Hargeysa                            15/02/1995

Shugri                                Hargeysa                            10/05/1997

Asmi waxa ay shaqadeedii dib uga bilawday magaalada Sheekh 1998kii, iyadoo maamule ka noqotay dugsigii Dhaqaalaha Guriga ee ay siddeetamaadkii macallimadda ka ahayd. Waxa ay waxbarasho jaamacadeed ka gashay jaamacadda Cammuud 2008dii. Waxbarashadeedii halkaa kagama hadhin ee waxa ay tababar macallinimo ku qaadatay magaalada Berbera. Ugu danbayn waxa ay xilkii shaqo ka tagtay 2013kii. Sannadihii ugu danbeeyey waxa ay deggenayd magaalada Hargeysa xaafadda Jigjiga Yar.  Asmi waxa ay ahayd, hawlkar, naxariis badan. Waxa ay ka warhayn jirtay dadka inta baahan ee Ehel iyo Qraaboba leh. Ilaahay Naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin. Naf waliba geerida waa ay dhadhamin doontaa, goor iyo goob ay ahaataba.

FG: Hargeysa waxa aanu isugu nimi Siciido ka timi USA, Sahra ka timi Kanada, Samsam, Rashiid iyo Fahiima oo ka yimi UK, Muuna oo ka timi UAE iyo aniga oo oo ka tegey Sweden. Waxa xusid mudan in aanan 20 sannadood arag walaashay Sahra-Sabaax oo Kanada deggen, waxaana sabab u noqotay is-aragayaga geeridaa na gilgishay. In walaaluhu kulmaan oo sannadkiiba mar kulmaan ama labadii sanno, waa muhiim. Sidaa awgeed waxa aan ku guubaabinayaa walaalaha ama Ehelka kale ee aan is arag in ka badan 5 sannadood, inay isku dayaan in ay kulmaan.

 

Sayid-Axmed M Yuusuf

Axad, 23-04-2017

Iswidhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here