“Haddaan Maanta Habrahaas Ku Abtirsan Lahaa Waxaasi Imay Qabsadeen, Gidaar Walbana Sawirkaygaa Ku Dhejisnaan Lahaa.”

0
16

“Haddii aan anigu wax qalad ah sameeyey afhayeennada madaxweynaha, ku-xigeenka iyo Maxamuud Xaashi baa ii jawaabi lahaa, iimanay cabanin…..”Cabdilaahi Jawaan

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Meesha Ka Saaray Inuu Aflegaaddo u Geystay Madaxda Qaranka, Cadho-na Ka Muujiyey Hindisaha Astaanta Qaranka Oo Uu Sheegay Inuu Isagu Curiyey, Balse Laga Diiday

 cabdilaahi jawaan

Hargeysa:(Hubaal)-La-taliyihii hore ee madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa dhinara guddida doorashooyinka Md.Cabdilaahi Xaaji Cumar(cabdilaahi-jawaan), ayaa fasiraad dheeraad ah ka bixiiyey hadallo uu ku tiraabay waqtigii uu xilka la-taliyenimo iska casilay oo ay dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, waxana uu si weyn uga calaacalay xuquuqda lahaanshaha Astaanta qaranka oo uu sheegay inuu isagu hindisay.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo waraysi siiyey shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa ugu horrayn meesha ka saaray inuu aflegaaddo u geystay madaxda qaranka ee ay madaxweynaha ku-xigeenkiisa iyo wasiirka madaxtooyadu ka mid yihiin, islamarkaana aanu ceeb u arkin inuu hore ugu baaqay in sixitaan lagu sameeyo waxyaabaha qaldan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aan anigu wax qalad ah sameeyey afhayeennada madaxweynaha, ku-xigeenka iyo Maxamuud Xaashi baa ii jawaabi lahaa, iimanay cabanin, laakiin erayga kali ah ee iiga yimi waxa uu ahaa waar Hannaga tegin, taasina ceeb ma aha in la isu ergooyo ama hadal la is yidhaahdo, xummaanna uma arko, laakiin wixii khaldan in saxo ma aha inaan Maxamuud Xaashi caayey.”

Waxa uu sheegay inaanay bulshada reer Somaliland u bislayn sheegitaanka dhaliisha, isla amarkaana cadaawad u qaataan, waxana uu ka sheekeeyey dhacdooyin uu arrintan u daliishaday oo soo kala dhexmaray isaga iyo marxuum Cabdiramaan Axmed Cali oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland, “Dadkeenu dhaliisha uma bisla, haddaad u sheegtona cadaawad buu u qaataa, reerkii dhammaa ee uu kasoo jeeday baa cadaawad kuu qaadaya oo anigu taas hore Ayaan u arkay, tusaale ahaan madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waqti shirkii Boorama la joogay oo aanu shirkii Boorama joognay aanu is qabanay, waxana ila colloobay dhammaan ciddii magaca reerka madaxweynaha ahayd,” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Sidoo kale waxa uu siyaasi Cabdilaahi Jawaan shaaciyey in laga dafiray xuquuqda astaanka qaranka Somaliland oo uu sheegay inuu isagu hindisay, balse aan weli lahaansho cad la siinin, waxana uu arrintaas u sibir saaray mid dhinaca qabyaaladda salka ku haysa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Astaanta qaranka aniga ayaa sameeyey, sabab la iigu diido oo la yidhaahdo yaan magaca cabdilaahi lagu qorinna waa xaasidnimo, magaca Jamhuuriyadda Somaliland-na anigaa bixiyey, laakiin haddaan maanta habarahaas ku abtirsan lahaa waxaasi imay qabsadeen, gidaar walbana sawirkaygaa ku dhejisnaan lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here