Hoggaamiye Xirsi Oo Si Qaawan u Weeraray Madaxweynihii Soo Barbaariyey, Abaal Ka-dhac Weynna Ku Kacay

0
26

wasiir-xirsi

Hargeysa:(Hubaal)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI M.d Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa dhaliilo u jeediyey madaxweynihii uu muddada dheer gacan yaraha uu ahaa ee saaxadda siyaasadda soo geliyey iyo weliba siyaasiyiinta kale ee ku xeeran, waxana uu si kulul ugu canaantay wax qabashada xaaladda sicir-bararka iyo abaarta ee dalka ka jirta.

Hoggaamiye Xirsi waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo inta ku xeerani ku ceebaysan yihiin xaaladda nololeed ee dalka ka jirta, isaga oo ugu baaqay inay si degdeg ah tallaabo u qaadaan,“Xubnaha xilka ku haya gacanta  ee uu madaxweynuhu ugu horreeyo  waxan leeyahay qaranka xil baa idinka saaran, dalkiina dhibaato noocaas ah baa ka taagan, dadka madaxweynaha la shaqaynayona waxan leeyahay madaxweynaha ha guul darraynina, haddii qarankii oo halkaas marayaa uu caaddifadiina iyo dareenkiinu ka maqan yahayna waa Ayaan darro,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hadalka uu hoggaamiye Xirsi ku weeraray ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee uu u jeediyo madaxweynihii soo carbiyey ee magaciisa halkan soo gaadhsiiyey, waxana dadka siyaasadda axadhaa hadalkan u arkaan mid abaal ka-dhac weyni ka muuqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here