Mareykanka Oo Budhcadbadeed Soomaali Ah Xabsi Daa’in Ku Xukumay

0
24

budhcad badeed

Xaakim ku sugan dalka Mareykanka ayaa nin Soomaali ah ku xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ah inuu door ku lahaa weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leehay Mareykanku 7 sano ka hor.

Maxamed Faarax iyo shan qof oo kale ayaa weeraray markabka USS Ashland bishii April 2010 meel u dhaw xeebaha Djibouti, iyagoo u hasytay inuu yahay markab ganacsi. Markabka ayaa rasaas ku riday islamarkaana gubay doontii ay wateen burcadda. Budhcadbadeedii saarnaa ayay soo badbaadiyeen ka hor inta aysan ku wareejinin masu’uuliyiinta Mareykanka. Shantii qof ee lala soo qabtay Maxamed Faarax horay ayay maxkamaddu u xukuntay, waxyana ku jiraan xabsi.

USS Ashland wuxuu ka mid ahaa maraakiibta dagaalka ee u joogay xeebaha Soomaaliya howlgalka la dagaalanka budhcadbadeeda.

Xigasho: bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here