Nolol La Xusuusto Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 13aad

0
29

“Wed ka daran wastaadiin

Ninkii wax ugu baahdaa eh

Sidii weli siraataan wax badan

Meesha yururayey eh waa yaabe,

Saw midna naguma soo weecdo”

Hal-ku-dhigyadii Suuqa

gees-aabihiiSannadihii ka dambeeyey lixdankii (1960) markii xorriyadda la helay, ayaa waxa dalka ku soo kordhay afkaarta Hantiwadaagga oo ay ku dhaqmayeen dalal aan hayn kuwii wax guumaysan jiray. Qoladaas Hantiwadaagga ah waxay calamadoodu ahaayeen midabka cas, waxa hormood u ahaa Jamhuuriyadihii Soofiyeetka ee Ruushku hoggaanka ka ahaa iyo Shiinaha.

Haddaba, waxa laga yagleelay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Somali Republic) xisbi himiladaas Hantiwadaagga ku dhisan oo waxa la odhan Jiray Somali Democratic Union (SDU), waxayna dadweynuhu odhan jireen “Calan Cas.” Xisbiga oo calan midabkiisu casaan yahay lahaa.

Falsafadda Hantiwadaaggu waxay sheegaysay in laf-dhabarka xisbiyada aaminsan hannaankani ay ku dhisan yihiin danaha shaqaalaha oo ay u adeegaan horumarkooda. Ayaan-darradu waxay noqotay dalka Soomaaliyeed ma lahayn warshado iyo shaqaale muruq-maal ah oo yoomiye qaata, waxayna ahaayeen xoolo-dhaqato qof kastaa xayntiisa leeyahay, oo ciddi aanay cid u shaqayn.

Siyaasiintii Soomaliyeed ee Xisbga Hantiwadaagga SDU wadatay, arrintii ayaa ku adkaatay. Qolo xarfaan ah oo reer Somaliland ah ayaa soo jeediyey in xoogsatada amma shaqaalaha dalka ka jiraa ay yihiin wastaadada. Sidaas darteed, wastaadadii ayaa xisbigii la qoray, iyana shahriyadii (lacag xubinta xisbigu bixin jirtay bishii oo dhawr shilling ah, hadda xisbiga ayaa lacag bixiya!) ay ballanqaadeen.

Hasa yeeshee, shaqadda wastaadku ma aha mid joogto ah. Daaro badanna waqtigaas lama dhisan jirin, sidaas darteed shahriyadii waa joogsatay markii shaqo ay waayeen. Tuduca gabayga kor ku xusan ayaa suuqiii tiriyey.

Markii koox askar ah xukunka dalka qabsatay ee ay afgembiday dawladdii la soo doortay wax kasta ha ahaatee oo ay xilkii ka qaadeen, madaxdiina ay xabsiga dhigeen, waxa xukunka dalka la wareegay Gole ka kooban 25 xubnood oo saraakiishii afgembiga samaysay ah. Waxa ay magacaabeen xubno rayid ah oo Wasiirro lagu magacaabay.

Haddaba, muddo wax xaalku sidaas ahaadaba, markii la gaadhay sannadkii 1976 ayaa la asaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S) waxa suuqu odhan jiray Xaasidkii Hooyadii ka xaday Sonkorta (Sonkorta oo cidhiidh noqotay helitaankeedu oo saf loo geli jiray waqtigaas)

Saddex kun oo qof oo asaasayaashii xisbiga lagu sheegay ayaa lagu xereeyey Kulliyadda Tababarka ee loogu magac-daray Siyaad; halkaas oo jiif iyo cunto lahayd. Saddexdaa kun ayaan anniguna ka mid ahaa. Waxa naloo qaybiyey laba nuqul oo kala ahaa:

  1. Dastuurka Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed
  2. Barnaamijka xisbigu ku hawlgelayo.

Waxba lagama beddelin ee waa loo gacan taagay oo la ansixiyey, inkastoo markii hore lagu sheegay qabyo. 1/7/1976 ayaa lagu dhawaaqay dhismihii Xisbiga. Xubnihii Golaha Sare ee dalka maamulayey ayaa meel sare oo ay shirka ka fadhiyeen ka soo degay oo dadkii ergada ahaa soo dhex fadhiistay.

Sidii dastuurka ku qornayd ayaa Maxamed Siyaad Barre uu noqday Xoghayaha Guud ee Xisbiga. Markaas ayuu Maxamed Siyaad Barre kacay oo kursi meel sare yaalay intuu ku fadhiistay buu warqad jeebka kala soo baxay, kadibna waxa uu ka yeedhiyey warqaddii 72 magac oo noqday xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, 5 xubnood oo ka mid ah Golaha Dhexe waxa lagu magacaabay Guddiga Siyaasadda oo Xoghayaha Guud ka mid yahay. Waxa kaloo la magacaabay saddex xubnood oo la yidhi; “Waa Baadhista Xisbiga.”

Xubnihii hore ee Golaha Sare ee askarta ahaa waxay dhammaan noqdeen Golaha Dhexe ee Xisbiga; qaarkoodna waxay sii noqdeen haddana Guddigga Siyaasadda. Waxa la sharciyeeyey laamaha xisbiga oo kala ah:

1- Ururka guud ee Shaqaalaha Soomaaliyeed

2- Ururka Haweenka Soomaaliyeed

3- Ururka Dhallinyarada.

Maxaa ka dambeeyey? Waxa bilaabmay qas, iska- horimaad, awood-sheegasho, cabsi-gelin, kala shaki, war-doon aan ujeeddo lahayn ayaa dalkii ku faafay, halkaas waxa ka abuurmay is-nac iyo in la kala fogaado oo laba doonyood la kala raaco, waxa bilaabantay shaqo-ka-tegis, dibed u carrar iyo dad la xidhxidho.

Wasaaraddii Caafimaadka ee aan ka mid ahaa, waxa loo magacaabay Wasiir cusub oo reer Somaliland ah markii u horreysay intii dalku xorriyadiisa qaatay ee la mideeyey labadii dal (Somaliland iyo Soomaaliya). Markaas oo ahayd 1976. Wasiirku waxa uu ahaa Muuse Rabiille Good oo dardar-geliyey hawlihii Wasaaradda Caafimaadka. Waxa uu dhisay siddeed waaxood (halkii ay awal ka ahayd afarta waaxood) oo kala ahaa:

1- Waaxda Daaweynta

2- Waaxda Ka-hortagga cudurrada faafa

3- Waaxda Tababarka

4- Waaxda shaqaalaha

6- Waaxda maaliyadda

7- Waaxda qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah.

8- Waaxda arrimaha bulshada.

Waxa uu shan waaxood u dhiibay madax ka soo jeedda Somaliland oo kala ahaa:

1- Saciid Maxamed Gees,

2- Edna Aadan Ismaaciil

3- Dr. Cabdullaahi Deria,

4- Sayid Xuseen Sayid Cali,

5- Xuseen Samatar.

Waxa aniga la igu magacaabay Agaasimaha Qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah, sidaas darteed waxan Wasiirka sannadkaas u raacay dalka Shiinaha oo uu booqasho ku tagey, waxa aan la yaabnay xaddiga dadka ku nool waddankaa ee cunto iyo caafimaad iyo hoy loo helay iyo Soomaali oo shan milyan cunto u awoodi kari weyday.

Waxa sannad ka hor dhintay hoggaamiyihii kacaankooda Mao Zedong. Nasiib uma yeelan inaan la kulmo nin aan muddo dheer aan halgankiisa la socday markii aannu gobanimada u dagaalamaynay ee gumaystaha reer Yurub ka soo horjeednay. Halyeeygaa oo ka xoreeyey qaaradda Aasiya barigeeda guumaystihii cunsiriga ahaa ee reer Yurub iyo isla-weynidii Maraykanka. Maanta Shiinuhu waa waddanka dunida ugu dhaqaale weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here