Barnaamij Noociisu Bulshada Ku Cusub Yahay Oo Lagu Soo Bandhigay Jidka Ay Da’yartu U Mari Karto Shaqo-raadinta

0
22

AKHRI: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Oo Daah Furay Dood Cilmiyeed  Xal Loogu Raadinayo Dhibaatooyinka Shaqo Raadinta Dhalinyarta

shaqaalaha

Hargeysa (Hubaal) – Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland, ayaa Hargeysa ku qabatay Barnaamij kulan Cilmiyeed noociisu dalka ugub ku yahay oo sida la shaaciyey joogto noqon doonta isla markaana  aqoonyahano reer Somaliland ah oo madashaasi lagu casuumay ay dhalinyarta reer Somaliland su’aalo muhiim ah ka waydiin doonaan xalinta dhibaatooyinka dhalinyarta iyo dadka shaqo raadiska ah qabsada, waxa fursadda qofka shaqo raadiska ah kordhiya iyo dadka shaqooyinka hela ee hadana rajo xumada iyo niyad jabku ku dhacdo sidii jawaab xal ah loogu helilahaa. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland  md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isagu Barnaamijkan curiyey maxsuulka marti qaadkiisana diyaariyey , ayaa Habeen hore magaaladda Hargeysa si rasmi ah ugu daahfuray Barnaamij Cilmiyeedkan oo noociisu Somaliland ku cusub yahay, nuxurkiisuna yahay sidii looga doodilahaa Su’aalana   layskaga waydiinlahaa dhibaatooyinka iyo duruufaha shaqo helista, qofka shaqo raadiska ah in uu fursado saacida u heli karo iyo caqabaddaha bulshadda reer Somaliland arimahaasi kaga xeern,  isla markaana uu kulan aqooneedkan oo noqon doona mid uu Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu joogteyn doono waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi daahfurka ahaa , Wasiiru dawlaha Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Cabdi Daahir Camuud,  Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somalilnad ee SOJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Afar Aqoonyahan oo Dayarta Cilmiga iyo nolosha horumar ka sameeyey oo  3 Wiil iyo Hal Gabadh oo iyagu lagu soo casuumay inay su’alo uga jawaabaan qaar ka mida dhalinyarta Jaamacaddaha ka baxay ee reer Somaliland oo madashaasi iyana lagu marti qaaday. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmarke  Axmed Muxumed Geelle oo ugu horeyn isagu maxsuulka marti qaadka iyo fikirka Barnaamij Cilmiyeedkan su’aalaha layskaga waydiinaayo dhibaatooyinka bulshadda iyo dhalinyarta Somaliland ku xeeran iyo waxa ku kalifay in uu barnaamijkan qabto waxa uu yidhi “Kulamadda noocan oo kale ah waa kuwo wixii xaaladdaha Bulshadda ka dhex jira aan ku faaqidno aynu dhibaatooyinka bulshaddeena dhexyaala kolba xabad kaga tashano isla markaana aynu Xuluul u raadino, xuluusha aynu raadinaynaa waxay noqon doonaan dhibaatooyinka dhibaatooyin badan oo waxa jira bulshaddeena ku jirta, laakiin jawaab kooban inta loo sameystay laga baxay, halkan waxaynu ugu talo galay in Jawaabaha kooban aynu kaga saaro oo aynu ku tashano aynu ku faaqidno oo aynu Xal waara kaga gaadhno, waayo Bani’aadamka Maskaxdoodu waxay caajistaa maalinta ay shay walba jawaab u hesho tusaale ahaan shaqadda maxa loo waaya? Maxa loo helaa? Side loo dalacaa? Side loo guulaystaa?, waxaas oo dhan waxa laga yaaba hadii ay maskaxdaadu jawaab deg deg ah u hesho , waxa meesha ka baxaaya in aad jawaabo deg deg ah raadiso in dedaalka wixii adiga kugu xidhnaa aad ka gaabiso, waxa jira si aad u guulaysato waxna adiga ayey  kugu xidhan yihiin, waxna bulshadda aad la nooshahay ayey ku xidhan yihiin waxna Illaahay ayey kaaga xidhan yihiin, sida darteed waxa laga yaaba marka Jawaab deg deg ah aad isa sii so in aad meesha ka saarto , waxyaabo waajib oo adiga ku yaalay oo ahayd in aad adigu ku dadaasho ama aad qabato ayaa laga yaaba jawaabta deg dega ah ee aad naftada siisay inay dedaalkii iyo tacabkaagii joojiso” Md Sharmarke  Axmed Muxumed Geelle  oo hadalkiisa sii wata waxa uu inta ku daray in Barnaammijkan oo noqon doona mid Hay’adda shaqaaluhu joogteyn doonto ay noqon doonaan kuwo aakhirka jawaabo iyo xal loogu heli doono caqabadaha iyo dhibaatooyinka bulshaddeena ku xeeran waxaanu yidhi “Habeen ayaa waxaynu iskugu iman doona in dhibaatooyin afka laga dhawray iyo dhibaatooyin hoos loo gali waayey iyo qaar laga caagay oo laga maagay in aynu is waydiino si kalfuran uga doodno ka tashano oo Xuluul ka sameysano , waxa marka laga yaaba inay xalka qaarkeen ku guuleystaan sida darteed ayaanu caawa 4 ka mida dhalinyarteena aqoonyahanka ah u soo casuumnay si ay bal dhibaatooyinka umaddeena ku gedaaman inoo la faaqidaan inaguna su’aalo furan halkii aynu doono iyo meeshii aynu doono uga waydiino , isla markaana laga yaabe in dareenkaaga wax hada ka hor ku jiray aad si kale uga fikiri karto, hay’adda shaqaalaha dawladda iyada doorkeedu wuxu noqon doona, dhibaatooyinkaas  tiradda badan waxaynu ku faaqidno iyo maalinba cid gaar ah in aynu soo casuuno oo dhibaatooyinka mushiladdaha ah ee dalkeena yaala si xal loogu helo in aynu hadba mid soo qaadano oo cid aqoonteeda iyo sida looga bixi karo khibrad u leh aynu soo casuuno, waan ku soo noqon doona xag waranka iyo su’aalaha iyo jawaabahooda wuxuumbaan imika idiin furayaa barnaamijkan cusub, wuxuumbaan inta ku darayaa madashan iyo goobtani waxay noqon doonta mid inoo furan oo dhalinyarta dhibaatooyinka haysta aynu ku faaqidno, waxaana aan rajaynayaa gebo gebada kulankan in aynu xal rasmi ah u heli doono dhibaatooyinka qofka qabsada marka uu shaqo doonka yahay iyo shaqo doon marka aad tahay maxa fursadahaaga shaqo kordhin kara iyo mida ah qofku marka uu shaqo helo in uu ku caajiso waxa u sabab ah” Ugu dambeyntii Barnaamijkan  muhiimka u ah qaranka Somaliland ee uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Sharmarke  Axmed Muxumed Geelle Hargeysa ka Daahfuray xalkana loogu raadinaayo dhibaatooyinka dhalinyarta iyo bulshadda ku gedaaman ee dhanka shaqo helista iyo sida qofku ugu guulaysan karo shaqadda iyo in uu horumar ka sii sameeyo marka u ushaqado helo, ayaa noqon doona Kulan Cilmiyeed joogto ah oo hadba mushkilado bulshaddu xalkooda u baahantahay lagu faaqidi doono isla markaana aqoonyahano iyo khabiiro uu guddoomiye Sharmarke soo marti qaado ay dhalinyarta Jaamacaddaha ee reer Somaliland su’aalo kaga waydiin doonaan si xal waara loogu helo hadba mawduuca barnaamijyadaasi loogu soo qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here