“Xirsi In Badan Buu Faanayay, Faankana Wuxuu Moodayaa Inaanay Dadku La Joogin, Arrintiisana Amiin Arts Ninka La Yidhaahdo Ayaa Koobay, Oo Yidhi…….”

0
26

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horreysay Ka Hadashay Gaaf-wareegii Ay Cirro & Xirsi Ku Mareen Qaaradda Yurub Oo Ay Ujeeddadiisa Muhmal

“Waa Ayaan Darro In Ragga Shantii Sanno Ee U Dembeeyay Madaxweynaha Dhinac Fadhiyay Ay Inoola Xulafoobaan Kuwo……”

+++++++++

“Annagu Dawlad Ahaan Intii Ay Mas’uuliyiinta Waddani Yurub Marayeen, Waanu Ogayn In Ay Xafiis Walba Dhigayeen Waraaqo Ay…..”

+++++++++

 “Ragga Soomaaliya Ka Taliyaa Ha Ku Cibro Qaataan Ciddii Burburisay Ciidankii Afrika Ugu Awooda Weynaa Ee Soomaaliya”

cadaani

Hargaysa (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI in ay la xulafoobeen kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland, isla markaana ay ku kaceen falal qaran-dumisnimo ah oo ay ku hagar-daamaynayaan dawladnimadda. Wasiir Caddaani, waxa uu sheegay in masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo dhawaan safar ku tegay waddamo ka tirsan qaaradda Yurub in ay madaxda dawladaha ay la kulmeen u gudbiyeen qoraalo iyo waraaqo ay ku hagar-daamaynayaan madaxbannaanida, jiritaanka, dawladnimadda Somaliland. Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu Xirsi iyo Cirro ku eedeeyay inay qurbajooga u sheegayeen warar been abuur ah oo ay kaga soo horjeedeen in la caawiyo dadka abaaraha ku tabaaloobay. “Waxaan leeyahay saaxiibkay Xirsi, madaxweynuhu wuxuu qabtay ee uu ka masuulka yahay, waxaad sheegayso maahee, wuxuu u gurmaday bulshada Somaliland ee abaartu saamaysay oo ay u gurmadeen isaga iyo xukuumadiisu, idinkuna (Waddani) markii aad war-wareegayseen Yurub ee lacagtii ay qurba joogu ugu tallo galeen in ay dadkoodda ku caawiyaan, ee aydun idinkuna lahaydeen qarankiyo dalku wuu burbursan yahay oo waxba ma jiraane annaga wax dhisaynee na siiya. Beenta iyo hagar-daamada xafiisyadda Yurub aad la marayseen adiga iyo Cirro, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadiisu iyaguna waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taakulaynta dadka abaartu haleeshay,”ayuu yidhi Wasiirku. Isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Waxaa in badan soo noqnoqonayey intii ay masuuliyiinta xisbiga Waddani Yurub marayeen, ee ay wax aan salka iyo raadka toona lahayn la wareegayeen, annagu dawlad ahaan umaanaan jawaabin, waananu ogayn in ay xafiis walba dhigayeen waraaqo ay ku hagar-daamaynayaan madaxbannaanida iyo jiritaanka, dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waana ayaan darro in ragga madaxtinimadda doonayaa, shanti sannadood ee u danbeeyayna madaxweynaha dhinac fadhiyay waa Xirsi’ye iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada (Cirro), in ay inoo raacaan oo la xulafoobaan kuwa Somaliland jiritaankeedda ka xun.” “Xirsi in badan buu faanayay, faankana wuxuu moodayaa inaanay dadku la joogin. ninkan la yidhaahdo Amiin Arts ayaa Xirsi (Hoggaamiyaha WADDANI) arrintiisa koobay, isagoo Xirsi iska dhigaya wuxuu yidhi ‘Arrinta Xirsi lagu xusuusan doono waxa ka mid ah fudayd, faan badan,kutagri-fal,xagjirnimo,jawo-wareer, inqilaab iyo jar iska-xoor. Aniguna (Wasiirka) aan ku darsadee iyo Khaa’inimo,”ayuu yidhi Wasiirku. Wasiir Caddaani oo la hadlayay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, wuxuu yidhi; “Ciidankii Afrika ugu xooga weynaa ee Soomaaliya, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ee Somaliland la dagaalantay, ciddii dawladaas burburisay waa Somaliland. ragga maanta Soomaaliya ka taliyaana ha ku cimro qaataan baanu leenahay. Annagu waxaanu nahay dawlad iyo dal doonaya inuu nabadgelyo kula noolaado jaarkiisa oo dhan. Waxase naga go’an oo balan ah inaanaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland cidna u dabofadhiisanaynin. Waxaanu leenahay Soomaaliya, dalkiina ayaa idiinka baahan inaan nabadgelyadiisa sugtaan, Somaliland xuduudaheeda way sugaysaa, waxaanan fariintan u diraynaa Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha iyo shacabka Soomaaliya, waxaanu doonaynaa inaanu dad jaar ah oo saaxiibo ah noqonno, haddiise aad ku soo xadgudubtaan oo aad istidhaahdaan hagar-daameeya qaranka Somaliland, waxa hubaal ah in sidii kuwii hore ugu fashilmeen si ka xun ugu fashilmi doontaan.”  Wasiirku waxa kaloo oo uu ka hadlay xuska maalinta munaasibadda 18-ka May ee innagu soo foolka leh, isagoo sheegay in aan xuskan sannadkan loo qaban doonin xaflado sidii sannadihii hore, abaaraha dalka ka jira awgeed. Waxaanu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo go’aamiyay in lacagtii ku bixi jirtay xafladahaas loo bedalay gurmadka abaaraha iyo qaadhaan ururintooda; “Waxaa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka May, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan sidii hore u dhici doonin. In qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gobol iyo degmaba in lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo bedalo gurmadka abaaraha. Waxaa la go’aamiyay in shacabka Somaliland haddii qurbajooga tahayba guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u bedalo qaadhaan ururin aynu dadkeenna abaaruhu soo baro kiciyeen in aynu la wadaagno.”  “Dad badan ayaa jira oo ay xoolihii ka baxeen, haddii ay xoolo iibis tahay oo aynu dadkaasi dib u xoolaynayno iyo haddii ay tahay sidii loo daryeeli lahaa intaba, Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu go’aamiyay isagoo dawladiisana ku amraya shacabka reer Somalilandna u sheegaya ilaa maalintii dalkani xoriyadiisa dib u soo qaatay in aynu nahay ummad isku tashata, isku tashigaasi aynu isku tashanayno ayuun bay tanina ka mid tahay, oo aynu dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen u gurmaynayno. Haddii ay xaflado tahay, xafladahaasi waxaa loo bedelayaa qaadhaan ururin ummada lagu taageerayo wixii ay dawladu ku qaban jirtay xafladaha xuska 18-ka May-na waxaa loo bedelay qaadhaan ururin,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka hadlay dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sida ay guddiga gurmadka abaaruhu taakulaynta ugu qaybiyeen bulshadda ku kala nool gobollada ugu daran ee ay abaartu ku habsatay, waxaannu yidhi; “Xukuumadda Somaliland iyagoo taakulaynta marinaya guddiga gurmadka abaaraha qaranka, waxay bilihii October, November iyo December ee sannadkii 2016-kii u qaybisay in ka badan 100,000 (boqol kun) oo qoys taakullo raashin ah oo ka kooban 25KG oo isugu jirtay Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Saliid. Waxaanay u kala gaadhay goboladda iyo degmooyinka dalka sidan:- ‘gobolka Saaxil 16000 qoys, gobolka Saraar 8900 qoys, gobolka Togdheer oo Burco ah 10350 qoys, iyo dhinaca Oodweyne oo ah 5200 qoys ah. Widh-widh 2200 qoys, Qorilugud 2200 qoys, Buuhoodle 2000 qoys. Laascaanood 11000 qoys, Talleex 2900 qoys, Xudun 2600 qoys, Bohol 1000 qoys. Gobolka Sanaag dhinaca galbeed 16300 qoys, Sanaag barri 11000 qoys. Gobolka Maroodijeex, Sabo-wanaag, Cadaadley, Salaxley iyo Baligubadle iyo Daara salaam, 12000 qoys.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here