“Xukuumaddu Ma Waxay Doonaysaa Inay Mucaaradku Amaanaan?”

0
23

“Waxaan Sheegayaa Inaanay Jirin Wax Colaad Ah Oo Dhextaala Ciidanka Booliska Iyo WADDANI”

Cirro oo ka digay Faro-gelin uu Sheegay in Xukuumaddu ku hayso Dacwadda Xubno Waddani ka xidhan

cirro

Hargeysa (Hubaal) Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka qaybgelay dhegaysiga Dacwadda laba Masuul oo Xisbiga Waddani ka xidhan oo markii labaad Arbacadii shalay la hor-keenay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan-Cirro oo Maxkamadda horteeda Warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in Garsoorku u nuglaado faro-gelin uu sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso, waxaanu uga digay Garsoorka inay cadaaladda ka leexdaan oo ay u nuglaadaan faro-gelinta iyo Culaysyada Siyaasadeed ee ay Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsani ku hayaan; si xukun Sharciyadda ka fog loogu fuliyo Masuuliyiinta Waddani ka tirsan ee muddada shanta toddobaad ku dhaw ku xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa.

“Waxaanu saaka tagnay oo aanu ka nimi hadda maxkamadda gobolka Hargeysa oo masuuliyiinta iyo madaxda xisbigu tageen,waxa maxkamadda la horkeenay mar Labaad laba masuul oo sar sare oo  aad ka war qabteen in ay muddo ka Bil ka badan ay u xidhnaayeen arrimo Siyaasadeed oo aan u xidhnayn wax falal danbiyeed ah,maanta waxana dhagaystay markhaatigii Koowaad ,waan kasoo baxnay ballo kale oo aan la hayn awgeed ,waxa  noo muuqatay inaan wax cadayn ah markii aan dhagaysanay loo haynin masuuliyiintaa xisbiga,intii aan dhagaysanaynay ma jirto wax cadayn iyo markhaati ah oo ku cadeeyey danbiga ma jiro laakiin maxkamaddu waa socotaa ma jeclin inaan ka hor dhacno,laakiin waxaan usoo jeedinaynaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE inaan masuuliyiinta xisbiga lagu tacadiyin,lagu xadgudbin,xuquuqdooda laga qaadin. Waxaanan ugu baaqaynaa Garsoorka inaanay u dabcin farogalinta xukuumadda,waa inay madaxbanaanaadaan Dastuurkaa madaxbaneeyey qofkii danbi gala waa ay ku qaadi karaan laakiin Kiis la siyaasadeeyey ama xisbiyada mucaaradka ah ha noqoto ama Saxaafadda haka soo jeedo waxaana ugu baaqayaa inaan la siyaasadaynAyuu yidhi Cirro.

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Cirro jawaab ka bixiyay eedaha ay xukuumaddu usoo jeedisay xisbigiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay macnaha mucaaridku u jiro oo ah toosinta khaladka xukuumadda, isla markaana aanay suurtogal noqonayn marnaba in mucaaridku amaano xukuumadda, waxaana uu yidhi; “mucaaridka macnahiisu waxa weeye inuu xukuumadda uu  toosiyo oo wax ka sheego, markaa xukuumaddu ma waxay doonaysaa inay amaanaan mucaaradku? Taasi ma dhacayso,xukuumadda waxbaa laga sheegayaa waa la canbaareynayaa waa la dhaliilayaa waanay soconaysaa taasi. Waxaan usoo jeedinaynaa inay dulqaadkeeda yeeshaan waa waddo ay soo mareen shalay waxay ka cabanayeen ayay ku kacayaan iyagu maanta.”Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Markale guddoomiye Cirro waxa uu ka hadlay colaad la sheegay inay dhextaalo xisbigiisa iyo ciidanka booliska Somaliland, oo muddooyinkii u dambeeyay xabsiga dhigay xubno xisbiga Waddani ka tirsan, waxaana uu yidhi;  “Waxaan runtii u mahadnaqaynaa Ciidanka Amaanka oo si wanaagsan u sugayey hawl maalmeedka shaqada,anaga waxaan jecelnahay inaan si wanaagsan ula shaqayno Ciidanka amaanka Somaliland, wax colaad ah oo ka dhaxaysa cidnaba iyo WADDANI toona ma jirto, waajibkooda shaqo waan ku taageeraynaa ciidanka  waxaana jecel nahay inaan si wanaagsan ula wada shaqayno ula falgalno,waxaana uga digaynaa xukuumadda inaanay shaqada Booliska siyaasadeyn oo amaro qaldan la siinin oo dambiyo aan jirin samayntooda laga daayo.” “Arrintaasi waxay noo cadaatay inaanay jirin habayaraatee wax fal danbiyeed ah oo  halkaa nooga muuqda, ,muwaadin kastena Xorriyadiisa lagama qaadi karo ilaa dambigiisa la cadeeyo,”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay guddoomye Cirro.

Muddo bil ku dhaw ayaa magaalada Hargeysa waxa ku xidhan, saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI kuwaas oo kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyaradda WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here