Gudoomiyihii Komishen Maamulwanaaga & La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Iska Casilaad Kedis Xalay Dhiibey

0
28

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyihiii Hay’adda maamul wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, Axmed Muxumed Madar  ayaa sheegay inuu xilkii uu ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iska casilay.

Axmed Muxumed Madar Oo Xalay warbaahinta kula hadlay gurigiisa oo Hargeysa ku yaalla, ayaa iscasilaadiisan ku sababeeyay, musuqmaasuq uu sheegay in Lix sanno wax laga qabanwaayey in maanta oo lix billood ay xukuumaddu u hadhsan tahay wax laga qabto, sidaas daraadeed uu go’aansaday inuu xilka baneeyo.

Axmed Muxumed Madar

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in uu diiday in uu Kulankii madaxweynuhu la yeeshay Guddidiisa Iyo Hantidhawrka,  waxaanu tilmaamay inaanay suurtogal ahayn in wakhti xaadirkan lala dagaalamo musuqmaasuqa.

Guddoomiye Axmed Muxumed Madar ayaa ka mid ahaa tiirasha waawayn ee xisbiga Kulmiye Sidoo kalena xaalado badan la soo maray guusha uu xiligan ku taamo xisbiga Kulmiye.

Si Kastaba ha ahaatee dhawaan ayuunbay ahayd markii madaxweyne Aaxmed Silaanyo uu kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiinta saddexda Hay’addood ee kala ah; hay’adda maamul wanaaga iyo hantidhawrka guud ee qaranka, iyo sidoo kale xeer ilaalinta qaranka, kaas oo ujeedadiisu ahayd badbaadinta hantida qaranka muddada kala guurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here