Magaca Fanaan Caan Ahaa Ku Biiray Daacish, Haweenay FBI-da Katirsanna Guursaday

0
9

fanaanka ku biiray isis

Baqdad:(Hubaal)-Hadal heeynta ugu badan warbaahinta Caalamka gaar ahaan tan gudaha dalalka Jarmalka iyo Mareeykanka ayaa noqotay Fanaan Jarmal ah oo ku biiray kooxda Daacish ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay in uu guursado haweeney ka tirsaneed sirdoonka dalka Mareeykanka ee FBI-da .

Fanaankaan oo lagu magacaabi jiray Deso Dogg waa Madawga Jarmalka ku dhashay , Hooyadiis ayaana Jarmal ah wuxuu qaadi jiray heesaha Rap-ka ah , kaas oo markii uu kooxda Daacish ku biiray la baxay magaca ah (Abuu Talha Al Almaani ) .

Deso Dogg ayaa guursaday Daniele Green oo u dhalatay dalka Mareeykanka waliba ka tirsaneyd sirdoonka dalka Mareyykanka ee FBI-da . Daniele Green oo iminka dib ugu soo laabatay gudaha dalka Mareeykanka , taas oo ka timid dalka Siiriya ayaa Maxkamadi waxeey ku xukuntay 2 sano oo xarig ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here