Magaca Hoggaamiyihii Uu Ku Wajahnaa Weerarkii Maraykanka Askarta Lagaga Dilay Askarta Ee Shabeelaha Hoose

0
21

karatey

Muqdisho:(Hubaal)-Waaxda Arrimaha Dibada Dowladda Mareynka oo war soo saaartay ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee dalka Soomaaliya ujeedkiisu ahaa in lagu dilo ama Lagu Qabto ku-xigeenka Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame oo loo yaqaano Mahad Karatee.

Mareykanka ayaa sheegay in ku-xigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame oo ku sugnaa deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana la doonayay in la khaarijiyo ama gacanta lagu dhigo isagoo nool balse uu fashilmay damacii ku aadanaa qabashada Hogaamiyahaas.

Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibada Dowladda Mareynka waxa ay sheegtay in deegaanka weerarka lagu qaaday ee Daaru-saalam ay saldhigyo ay ku leeyihiin Hogaamiyayaasha Al-shabaab, uuna xiligaas ku sugnaa ku-xigeenka Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame Mahad Karatee.

Dowladda Mareykanka ayaa Madaxa ku-xigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab duldhigtay 5–Million oo dollar, waxayna sheegtay in khatar uu ku yahay nolosha Shacabka Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here