Fashil: Wasaaradda Waxbarashada Oo Dib Usoo Celisay Ruqsad Ay Bil Ka Hor Ka Qaadday Jaamacad Burco Ku Taalla

0
14

Go’aanka Wasaaradda Oo Horseedi Kara In Laga Noqon Karo Go’aamo Kale Oo Masiiri ah

wasaaradda waxbarashada

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa mar kale shaaca ka qaadday inay laashay amaba meesha ka saartay xayiraad ay bil hor soo saartay oo ay ruqsaddii jaamacadnimo kagala noqotay Jaamacadda Togdher International University oo ku taalla magaalada Burco.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa shalay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu wasiir ahaan xayiraaddii ka qaaday jaamacadda Togdheer International University, isaga oo aan sheegin wax sababo ah oo uu ucuskaday ruqsad celintaas marka laga tago in xal loo helay arday ay shahaadooyinkoodu ka maqnaayeen oo uu xusay in oggolaanshiiyo loo helay.

Wasiir Cabdilaahi Dheere waxa uu sheegay inaanay jaamacaddaasi haatan wixii ka dambeeya adeegsan doonin magacii ay hore ugu shaqayn jirtey oo ay magac cusub la bixi doonto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ma jirto wax la yidhaahdo Togdheer International university, magac cusub oo ay doortaan bay isku diiwaangelinayaan oo ay ku shaqaynayaan oo Ardaydii intaas oo sanadood wax dhiganaysayna shahaadooyinkoodii loogu raadinayaa, derejooyinkii ardayda iyo lacagtii oo ay diraan uun baana laga sugayaa.”

Wasiirku waxa uu sheegay inuu dhammaaday xidhiidhkii wada-shaqayneed ee ka dhexeeyey jaamacadda Togdher International University iyo Addis University College oo magaalada Addis Ababa ku taalla, “Xidhiidhkii Addis College  iyo Addis university College Burco u dhexeeyeyna 23-kii April buu go’ay, waxana uu ahaa heshiis aan dhammaystirnayn oo aan dhinacna laga tasdiiqin,” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Dheere.

Wasiir Cabdilaahi Dheere waxa uu sheegay inay jaamacaddaasi dalka kasii shaqayn karto marka loo diiwaangeliyo magaca cusub ee ay la bixi doonto, waxana uu yidhi, “Marka magaca cusub loo diiwaangeliyo way ku shaqo gelayaan, wasaaradduna way kala noqotay xayiraaddii ay saartay, mar haddii arrimaha intii badnayd oo ardayda in loo helo qiil ahi uu halkaas ku dhammaaday.”

Dhawaaqa wasaaradda waxbarashada ee la xidhiidha inay dib usoo celisay ruqsadda jaamacad ay bilk a hor ku dhawaaqday inaanay dalka ka shaqayn Karin, ayaa su’aalo badan keenay, waxana soo baxday inuu go’aankani wiiqayo oo uu meel kadhac ku yahay dawladnimada iyo hirgelinta go’aamada uu qarankani gaadho, maadaama ay wasaaraddu si fudud u beenisay war ay dhawaan uun soo saartay.

Sidoo kale go’aankan degdega ah ee wasaaradda waxbarashadu ku dhabar jebisay go’aankeedii hore, ayaa sidoo kale horseedi kara inay hirgeli waayaan go’aamo badan oo qarankani gaadho, waxana dhici karta in fudud looga noqdo go’aamo waaweyn oo masiirka umaddu si weyn ugu xidhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here