“Cirro-Oy Marka Xaggaa La Eego Muuse Biixi Waa Nin Iga Kaa Xiga, Laakiin Taas Kumaan Raacin,…”Xildh. Cabdiqaadir Jirde

0
20

Waxa uu Bulshada u Sharraxay Xidhiidhka Ma guuraanka ah ee ka dhexeeya isaga iyo guddoomiye Muuse Biixi

 cabdiqaadir jirde

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo katirsan saraakiisha sare ee xisbiga WADDANI, ayaa si qoto dheer uga warramay xidhiidhka qotoda dheer ee dhinacyada siyaasadda, saaxiibtinimada iyo ehelnimada ee u dhexeeya isaga iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu shaaca ka qaaday inaanu jirin siyaasi kale oo ay isaga dhaw yihiin, marka laga tago inay kala aragti yihiin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa taxay waxyaabo badan oo ay wadaagaan isaga iyo Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Aniga iyo Muuse Biixi isku degmaanu nahay oo 26-ka June baanu nahay, Xarshin iyo Laanqeyrtaanu wada nahay, malcaamaddii baanu soo wada galnay oo deegaan baanu wadaagnaa, baadidayaduna way isku soo gashaa oo waa awowgay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaca ka qaaday inuu guddoomiye Muuse Biixi uga dhaw yahay dhiggiisa WADDANI ee ay waqtigan wada-shaqaynta leeyihiin, balse ay kala aragti duwan yihiin, “Cirro-oy marka xaggaa la eego Muuse Biixi waa nin iga kaa xiga, laakiin taas kumaan raacin, ceebna ka sheegi maayee waxan u arkaa inay danta Somaliland ku jirto isbeddel,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here