Hunguriga Kamid Noqoshada Shirguddoonka Wakiillada Oo Kor U Kacay Iyo Mudane Reer Sanaag ah Is Galaalay

0
30

Murrashixiinta Iscasilaadda Cirro Dhawraya Oo Soo Badanaya Iyo Isbeddelka Shirguddoonka Oo Soo Dhawaaday

 

bukhaari

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali(Bukhaari) oo katirsan mudaneyaaasha aqalka wakiillada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inuu taagan yahay kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada oo la filayo inuu isbeddel laxaad lihi dhawaan ku iman doono.

Xildhibaan Bukhaari uu u warramay shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa tilmaamay inuu ku rajoweyn yahay inuu kusoo baxo tartanka uu u geli doono kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha oo uu haatan ku fadhiyo Baashe Maxamed Faarax oo laftiisa la filayo inuu dhinaca guddoomiyaha golahaas u ruqaansan doono, waxana uu yidhi, “Waxan caddaynayaa inaan murrashax u ahay oo u taaganahay shirguddoonka golaha wakiilladda hadii uu isbeddel ku yimaaddo oo uu banneeyo guddoomiyaha imika xilka hayaa, waxana aan u taaganahay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, markii aan xisaabo badan isku geeyeyna waxan goostay inaan kursigaas isku taago oo aan aaminsanahay inaan taageero u heli doono.”

Saleebaan Cawad Cali waxa uu sharraxay asbaabta ku kalliftay inuu yeesho han uu kaga mid noqonayo shirguddoonka golaha wakiillada, waxana uu yidhi,“Sababaha igu kallifay waxa kamid ah xogta aan helayo iyo doorashadii oo hadda ina saaran iyo guddoomiyaha waqtigan oo laga yaabo inuu kursigaas banneeyo oo uu isu taago tartanka madaxweynenimada, marka taas la dhaafona dareenka jira ee Somaliland ka muuqdaa waa inuu kursigaasi isku dheellitirnaanta ka qayb qaato.”

Waxa uu sheegay in dedaalka loogu jiro in kursiga guddoomiyaha wakiillada loo cumaamadi doono gobollada Sool iyo Sanaag Bari sabab u tahay inuu isaga laftiisu is tuso inuu ku-xigeeenka golaha noqdo,“Maadaama kursiga guddoomiyaha lagu maamuusi doono sool iyo sanaag Bari, waxa muuqata in marka la eego saamiyaa kale in kursiga Baashe ku fadhiya aan heli karo, haddii ka hore uu sidaas u dhaco, waxana aan filayaa inaan xaq u leeyahay marka wax badan la eego, dawna ay tahay in xildhibaannadu igu taageeraan oo isku kay garab taagaan,” ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Cawad Cali.

Tartanka shir-guddoonka golaha loogu jiro, ayaa meel sare maraya, waxana hore usoo baxay mudaneyaal badan oo shaaciyey inay guddoomiyaha golahaas danaynayaan, balse xildhibaan Bukhaari, ayaa noqonayaa mudanihii ugu horreeyey ee isagu caddeeya inuu ku-xigeenka golaha u taagan yahay.

Mudaneyaasha golaha katirsan ee shirguddoonka u sharraxan, ayaa waxa ku xidhan shardi weyn oo ah inuu guddoomiye Cirro iska casilo kursiga guddoomiyaha, kaas oo aan la hubin waqtiga uu xilkaas ka degi doono, balse waqgiyada doorashadu soo dhawaato ayaa la filayaa inuu xilkaas ka degi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here