Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Socdaal Indho Indhayn Ah Ku Tegay Deegaannada Sallaxley,Baligubadle Iyo Gumburaha

0
17

Hargaysa{Hubaal}Watfigani Balaadhnaa Ee Uu Horakacayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tire,Oo Ay Ku Weheliyeen Dr,Adna Aadan Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Haayada Hadiya Medical Swes.

Ujeedada Guud Ee Socdaalka Waftigani Ayaa Daaranaa Indho Indhaynta Dadka Abaaruhu Saamaynta Ku Yeesheen Ee Ku Sugan DeegaanadaaSI Oo Qaarkood Xanuuna La Daalaa Dhacayaan.

1

Ugu Horayn Watfigu Waxa Uu Gaadhay Deegaanka Gumburaha Halkaasi Oo Ay Ku Soo Dhaweeyeen Dadweyne Tiro Badan Oo Luxaya Caleemo Qoyan Iyagoona Gaadhsiiyeen Booyado Biyaha.

Waxaana Waftiga Halkaasi Ugu Horayn Uga Warbixiyey Deeganka Gumburaha Maaamulka Iyo Agaasimayaasha Waaxa Caafimaadka,Waxayna Waftiga U Sheegeen In Xaalada Caafimaad Ee Ay Dadkani La Tacaalayaan,Ugana Mahad Celiyeen Deeqda Biyaha Ah Ee Lasoo Gaadheen.

20

Geestooda Dr Adna Aadan,Masuul Ka Socday Haayada Hadiya Medical Iswes Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Oo Waftigani Hogaaminayey Oo La Hadlay Shacabka Ku Dhaqan Deegaanka Gumburaha  Waxayna Uga Mahad Celiyey Sida Ay Usoo Dhaweeyeen,Iyagoona U Balan Qaaday Inay Gurmad Kan Ka Badan Soo Gaadhsiin Doonaan.

Intaasi Ka Dib Waftigu Waxa Ay Sii Anbo Qaadeen Safarkooda Indho Indhaynta Ah,Iyagoona Usii Jeestay Dhinacaasi Iyo Deegaanka Bali Gubadle,Halkaasi Oo Sidoo Kale Waftiga Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey.

7

Indha Iindheeyna Ku Maray  Xarumaha Caafimaad Ee Lagula Tacaalayo Dadkii Cudurada Ku Sababtay Abaartu.

Maamulka Deegaanka Bali Gubadle Iyo Laamaha Caafimaadka Ayaa Ugu Horaynba Waftiga U Sharaxay Xaalada Caafimaad Ee Deegankani Bali Gubadle,Waxayna Ka Xog Warameen Sida Roobabku Uga Da’een,Xanuunada Iyo Baahiyaha Deegaankaasi Ka Jira.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo Tire Iyo Waftiga Uu Hogaaminayeyna Ka Dareen Celiyeen Marxalada Ay Indhooda Ku Arkeen.

6

Waftigu Waxa Kale Oo Ay Gaadheen Degmada Salaxalay Oo Ay Soo Indha Indhaynayeen Dadka Ay Abaartu Saamaynta Ku Keentay Iyagoona Booqasho Ku Tagay Xarumaha Caafimaad Ee Salaxlay Halkaasina Waxa Warbixin Uga Jeediyey Maamulka Degmada Salaxley.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tire Oo Isna La Hadlay Maamulka  Iyo Dadka Ku Dhaqan  Deegaanka Salaxley Waxa Uu Ka Mahad Celiyey Sida Loo Soo Dhaweeyey Isagoona Shacabka Ugu Balan Qaaday In Ay Gurmad Xukuumadu Gaadhsiin Doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here