HALKAN KA DAAWO: Fariin ay Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland U Dirtay Shacbiga Reer Somaliland, Gaar Ahaan Haween Weynaha Somaliland

0
38

aamina waris marwada qaranka jsl

Hargeysa (Hubaal) Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland ayaa Fariin U Dirtay Shacbiga Reer Somaliland Gudo iyo Dibedba Meel Ay Joogaanba, Gaar Ahaan Haween Weynaha. Nuqul kamid ah fariinta marwada oo Hubaal soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan;

“Inagu Waxaynu Nahay Dadka Abaalka Loo Galay Yaqaana Dawladaha Waxa Abaalka Ina Tara Kama Abaalka Dhacno Laakiin Gurmadkii Aynu Rabnay Hay’adaha Iyo Dawladaha Caalamkaba Sidii Aynu Rabnay Ugamaynaan Helin.. Marwada

adhiga dekeda berbera ka dhoofa ee dakhligeenuba ku salaysan yahay waxay ahaayeen dadka wax soo saarka ugu badan keena dalka maanta iyagii ayaa inoo baahan.. Marwada Koowaad

Maanta reer somaliland baaqa aan u dirayaa waxa weeye khaasatan haweenka dhaaxaynu wax ururinay oo ilaa halgankii oo aynu ingiriiska joognay ayaan xasuustaa haweenka reer somaliland wiigii ama bishii hal mar ayaanu samayn jirnay xaflado aanu lacag ku ururinayno oo aanu mujaahidiinta iyo halganka u ururinaynay.. Aamina-weris

waxa aanu ururinaynay rubuc kamay noqonayn wax ay dadka reer miiga ahi ururiyaan waayo adhigooda iyo inan kooda ayuu ahaa wixii lagu dagaalamayay taas waa in aynaan ilaawin.. Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde

waxyaabaha qaar baad ka naxaysaa oo gabadhii sanadkii hore ku umushay qolujeed markii cidlo lagaga guuray ayay foolatay markaas qofkii yaraana waraabe ayaa qaatay iyadiina ay halkii ku dhiig baxday oo ku dhimatay waxa naxdin lahayd ninkii markii uu adkaysan waayay ee murugo ka badatay is daldalay ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu adoonkaasi cafiyo oo naxariistii jano ka waraabiyo… Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland

markii aynu cidhiidhiga galnay ee hantideena la bur-buriyay ee dhalinyaradeena la xidh-xidhay waxa aynu nidhi weynu iska dul qaadaynaa heeryadaas oo intaynu isu wada tagnay ayaynu gobonimadeenii lasoo noqonay maantana qaranimadeenii, xoolaheenii, dalkeenii iyo dadkeeniiba weynu badbaadinaynaa  sidaynu ku badbaadin karnaa?….. Marwada Madaxweynaha Somaliland

“Hambalyo ayaan u dirayaa shacabka reer Somaliland munaasibada 18-may awgeed ciroole iyo caruurba, hambalyo ayaan leeyahay ILLAAHAY  bil khayr qabta ha inooga dhigo himiladeenan haynoo rumeeyo.

26 Sannadood ee ay Somaliland jirtay ee aynu gobonimadeenii dib ula soo noqonay mudadaasi wax aad iyo aad u weyn ayaynu qabsanay ilaa maalintii aynu xornimadeena lasoo noqonay ilaa maanta dawladii timaadaaba meeris uunbay tolaysay, oo ina weyn samaynaysay ina way ku daraysay maanta meesha aynu maraynaana waa meel aad iyo aad u fiican meel dawlado badan oo aduunka laga ictiraafsan yahay oo dhaqaalaha dunidu bixiso ee sharciyada ay ku bixisaba hela ayaynu ka fiican nahay oo nabad galyadeenu ka wanaagsan tahay si markaad u eegtana dhaqaalaheenu ka fiican yahay, duruufo adag ayaa ina soo maray balse somaliland duruufahaasi waxay kaga baxdaa isku duubni, wada tashi iyo iyadoo qof weyn iyo mid yarba aan loo kala hadhin .

Waxyaabo badan oo aynu qabsanay ayaa jira oo ay ka mid tahay wadada Ceerigaabo taariikhda ilaa intii ingiriisku joogay wadadaas waa la hadal hayay, wadadaasi dawladdan maanta joogta ayaa hirgalisay kaligeedna may hirgeline shacabkeeda ayaa la shaqeeyay haday caruur yihiin, haday ciroole yihiin, haday baacmushtar yihiin, haday arday yihiin, haday qurbo-joog yihiin wixii aynu isu gaynay ayaynu gelinay oo ilaa maanta qofkii maraaba waxa uu yidhaahdaa sidee ayay u hir gashay? waxay u hir gashay marka ay dadku isu tashadaan oo go’aan iyo hal-adaygnimo muujiyaan way gaadhaan halka ay doonayaan  muhiimadu waxay tahay inay dadku lahaadaan yool ama meel uu ku socda oo uu yidhaahdo waxaas baan doonayaa inay ii suurogasho, wixii way suurtogalayaan hadaad dadaasho .

Shacabka reer Somaliland arrintaas way ku fiican yihiin gaar ahaan haweenka oo waanigii hore u idhi haweenkaan si khaasa ula hadlayaaye haweenka reer somaliland waa haween aad u karti badan waa haween wax quudha, waa haween isu tashada,waa haween markay qadhaadhaato gurmadka halka ugu horaysa kaga jira marka ay hawluhu fiican yihiina hormuudka ka ah.

Waxa inagu dhacay abaar aad iyo aad u baahsan oo meel ay dhaaftay aanay jirin inkasta oo ay gobolada galbeedku sanad iyo badh ka hor ka darnaayeen oo ay si xun u saamaysay abaartu sanadkan waxa darnaa gobolada bariga roob ku danbeeyey gobolada galbeedka ayaa dadkii daganaa bari, halka ugu danbaysa uga yimi oo xaalufiyay,bulshadeena ku dhaqan gobolada galbeedka aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa wanaynu u ogsoon nahay waxa ay qabteen walaaltinimada ayay ka mid tahay in marba inta yar ee la haysto la wada qaybsado beerahoodii ayay u fureen aqaladoodii ayay u fureen.

Dawladdu wax alle waxay dadkaasi ka hagratay ma jiraan wixii bajadka inoogu jiray waxynu mashaariic horumarineed ugu talo-galnay mushaharkii shaqaalaha waxaan ahayn dawladu abaartaasi way u hurtay sidaas marka ay tahay inagu waxaynu nahay dadka abaalka loo galay yaqaana dawladaha waxa abaalka ina tara kama abaalka dhacno laakiin gurmadkii aynu rabnay hay’adaha iyo dawladaha caalamkaba sidii aynu rabnay ugamaynaan helin laakiin inagii ayaa isu tashanay oo hay’adihii islaamiga ahaa oo inoo keenay allaab dawladaha caalamka iyo qaramada midoobe inkasta oo ay ku dhawaaqeen lacag fara badan oo ay ugu deeqayaan dawladaha Somalida hadana wax wali wax waaweyn oo ina soo gaadhay ma jiraan, abaal kadhacna maaha wax way nasoo gaadheen laakiin sidii aanu rabnay maaha ta aynu inagu qabsanay ayaa ka badan maanta markii Madaxwaynuhu soo kormeeray abaarta ee Novembar 2016 siday maanta u hayso ayay u haysay wali waxaan xasuustaa magaalada xudun ayaanu ka nimi oo ceel-afweyn ayaanu ku soconay dhulalkii aanu maraynay sidee bini aadmi ugu nool yahay ayaan is waydiiyay dad fara badan oo dhulkaas aad iiga yaqaana ayaa igu yidhi aaminay waxaanad soo marin iyada oo roob da’ay waxaa aad arkaysaa cagaar ayay noqonayaan waa meesha xoolaha ugu badan ee somaliland ku tarmaan waayo waa dhul nafaqo leh oo geeduhu si fudud uga soo baxaan maantana waadigaa arkay sida ay u gubteen, markii aanu magaalada sii galaynay ayaa inan kamida shaqaalaha dawladu yidhi waxaan halkan ku arkay gabadh xishoonaysa oo madaxa foorarinaysa waxay igu tidhi buu yidhi waligay madaxwayne maan arag  waan maqli jiray markaan magaalada tago markaa layaab ayay ila noqotay madaxwayne ayaa magaaladaadii bohol yimi dabadeed waxaan ku idhi hadaba kaalay aad salaantidi madaxwaynahe’ dabadeed gabadhii ayaa soo istaagay gaadhiga madaxwaynaha agtiisa oo sii dhaqaaqaya madaxwaynihii ayay salaantay iyada oo aan kor u eegayn gabadhaas xishoodka ka muuqda, dabadeed aniga ayaa waydiiyay oo ku idhi imisuu adhigiinu ahaa? waxay tidhi wuxuu ahaa saddex tiro waa 300 oo neef imikana imisaa idiin nool? dhawr iyo sodon ayay igu tidhi wakhtigaasi waa Novembar 2016 maanta oo aynu joogno waxaan filayaa in aanay midh ka haynin xoolahaasi lacag yar sii ayaan is idhi way iga diiday inay iga qaadato oo waligeed qof dad wax waydiisatay maaha markaa qof 300 oo neef, qof ay usoo xeroon jireen qof dan aragtayba may ahayn.

Waxaan uga jeedaa dadkeenu waa dad sharaf badan waa dad wax haysatay waa dad inagana wax inoo taraayay inteena magaalada joogta adhiga dekeda berbera ka dhoofa ee dakhligeenuba ku salaysan yahay waxay ahaayeen dadka wax soo saarka ugu badan keena dalka maanta iyagii ayaa inoo baahan.

Maanta reer somaliland baaqa aan u dirayaa waxa weeye khaasatan haweenka dhaaxaynu wax ururinay oo ilaa halgankii oo aynu ingiriiska joognay ayaan xasuustaa haweenka reer somaliland wiigii ama bishii hal mar ayaanu samayn jirnay xaflado aanu lacag ku ururinayno oo aanu mujaahidiinta iyo halganka u ururinaynay waxa aanu ururinaynay rubuc kamay noqonayn wax ay dadka reer miiga ahi ururiyaan waayo adhigooda iyo inan kooda ayuu ahaa wixii lagu dagaalamayay taas waa in aynaan ilaawin, waxyaabaha qaar baad ka naxaysaa oo gabadhii sanadkii hore ku umushay qolujeed markii cidlo lagaga guuray ayay foolatay markaas qofkii yaraana waraabe ayaa qaatay iyadiina ay halkii ku dhiig baxday oo ku dhimatay waxa naxdin lahayd ninkii markii uu adkaysan waayay ee murugo ka badatay is daldalay ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu adoonkaasi cafiyo oo naxariistii jano ka waraabiyo.

Waa in aynu dadka sidaas oo kale ah murugada la qaybsanaa kuna daddaalnaa in aanay taas oo kale dhicin waxaan anigu jecelahay oo aan ku talinayaa inaynaan maanta waxba kala hadhin abaartaas ALLE waa ku mahad oo roobkii meelo farabadan ayuu ka da’ay meelo badan imika haraadkii,  macnuhu maaha roobkii ayaa da’ay oo dadkii way badbaadeen marka dadkii oo jilicsan iyo xoolihii oo meel walba bakhtigoodii yaalo oo daadadku berkedaha ay soo gelayaan biyo wasakhaysan, dadkii xanuuno ayaa ku dhacaya, shubano ayaa ku dhacaya nafaqo daro ayaa ku dhacaysa, markaa hawshu nagamay dhamaan roobkii Alle wuu inoo shubay laakiin gurmad ayaa la inooga baahan yahay oo laba qaybood u qaybsan

In dadkii loo gurmado oo caafimaadkooda dawooyinka shubanka loo qaado, kuwa xumada loo qaado, dhar loo qaado waxaas oo dhami dhaqaale ayay u baahan yihiin.

2: Abaartan inagu soo noq-noqonaysa sidee ayaynu uga hor tagnaa,horta abaarta ILLAAHAY ayaa keena maanta inaga oo kaliya maaha ee mandaqada oo dhan ayay ka jirtaa caalamkii buurihii barafka waligood ahaan jiray ayaa dhalaalay inaga mandiqada geeska afrika oo dhan bay haysaa cimiladii ayaa is badashay waxaynu gacanteena ku kasbanay maaha, wax ay dawlad xumo inoo keentay maaha wax dad caasiyiin ahi sababeen maaha ILLAAHAY ayaynu baryaynaa, ALLE wuxuu yidhi aan idin badbaadiyee idina is baydhiya markaa si sanad walba aynu ka tabaabushaysano maadaama cimiladii is badashay .

Maanta Madaxwaynihii waxa uu saaray guddi tabaabushahaas galaysa  sidee ayaynu abaarahaas uga hor tagi karnaa? sidee ayaynu dhaamam, ceelal ama seerayaal u dhisi karnaa? maanta waxa dhacday dadkeeni reer guuraaga ahaa meel walba waa laga oottay markaa imika hadii xataa ceel u muuqda ay is yidhaahdaan kasoo caba waa in ay 20KM kasoo wareegaan waayo nin baa iska oottay oo waliba geedahaas ka baxa iyaga ka iibiya seerayaashaas waynu baabinaynaa oo dadkaynu u furaynaa meel seerayaal dawladu samayso ayay noqonaysaa oo dadka aynu ku badbaadino imika sanduuqa  horumarinta Somaliland ee SDF wuxuu inoo samaynayaa seerayaal uu geedo ka beero oo xoolaheena ku nafaqayno ma waxaynu sugnaa inaynu dad barino oo moqorofad qadano mise reer somalilandnow qof nus doolar bixiya waynu tahli karnaa, intaynu gudidaas iyo dawladaba ku daba faylno, ayuu qof wali bixin karaa wuxuu awoodo ka wax weyn hayaa waxa weyn bixiyo oo quudho, ka waxa yar hayaa waxa yar bixiyo ileen gacmo wada jir ayay wax ku gooyaane waxaynu ururino ayaynu riigag ku qodano oo dhaamam ku qodanaa oo biyaheena bada galaya ayaynu qabsanaa, waynu heli karnaa reer somaliland wixii ay goostaan way gaadhi karaan markii aynu cidhiidhiga galnay ee hantideena la bur-buriyay ee dhalinyaradeena la xidh-xidhay waxa aynu nidhi weynu iska dul qaadaynaa heeryadaas oo intaynu isu wada tagnay ayaynu gobonimadeenii lasoo noqonay maantana qaranimadeenii, xoolaheenii, dalkeenii iyo dadkeeniiba weynu badbaadinaynaa,  sidaynu ku badbaadin karnaa? waa isu-tageena waa wax wada lahaan shaheena waa quudhideena markaa waxaan ku talinayaa khaasatan dumarow idinkaa hormuud ah ee ragga xaga danbe kasoo mara,dahabkeena aynu iibino oo wax walba ku darno guddidan abaaruhu waxay samaysteen qorshe, waxay yidhaahdeen lacag sideed Milyan ah baynu u baahan nahay, dalalka saaxiibadeen wax way inoogu dari karaan oo qaar baa imikaba yidhi wax baynu ku daynaa laakiin inagu waxa aynu goosanay inaynu ugu yaraan todoba Milayn ururino, oo sidaynu u ururinaynaa? sidii aan imika sheegayay oo ah qof walawba wixii aad quudhi karto balankeenu waa isku-tashi, wax wada qabsi iyo wada jir todoba Milyan ee aynu ku baaqnay reer Somalilandow gudo iyo dabadba ha inagu qaadato 40 cisho waynu ku ururin karnaaye  aad baa u mahad san tihiin “

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland

Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here