Berbea: Booliska Oo Ka Warramay Shaqaaqo Dhexmartay Ciidanka Ammaanka Iyo Muwaadin Amar Fulin ah Ka Hor yimi

0
17

Hargeysa:(Hubaal)-Tiro kamid ah ciidanka Booliska Somaliland, ayey dhaawacyo fududi kasoo gaadheen, kadib markii uu iska hor imaad ka dhashay go;aan fulin ah oo ay ku abbaareen dhisme sharci-darro ahaa oo uu nin muwaadin ahi ka dhisanayey badhtamaha magaalada Berbera.

Iska hor imaadkan oo maalintii shalay dhacay, ayaa ka bilaabmay rasaas uu furay muwaadinka dhismihiisa fulinta lagu qaadayey, waxana markii rasaastu bilaabantay ciidamada weerar ay dhagaxaan iyo budhadh u adeegsadeen ku qaaday dadweyne halkaas ka dhawaa oo kasoo hor jeeday fulinta, waxana halkaas ku dhaawacmay tiro ciidanka katirsan, sida uu sarkaal u hadlay sheegay,“Waxa jirtey fulin ay dawladda  ku qaadday dhul sharcidarro ahaa uu dhisanayey muwaadin Faysal la yidhaahdaa, waxana fulintaas fulinayey ciidanka Booliska, markii uu ciidankii yimina qori buu lasoo baxay oo rasaas buu riday, dadkii xaafadda deggenaana askartii bay dhagaxaan la dhaceen oo ugu yaraan 10-askari baa dhaawacyo soo gaadheen, waxana aanu gacanta ku dhignay ilaa 10-qof oo shacab ah, laakiin ninkii dhibka geystay wuu naga baxsaday, gacantana waanu kusoo dhigi doonaa,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan ciidamada Booliska oo goobta joogay.

Dhaawacyada iyo dhimashooyinka soo gaadha ciidamada Booliska ee ka dhasha amarrada fulinta ah ee  ay u igman yihiin, ayaa soo noqnoqda, balse wali wax ah oo waara arrintan lagama gaadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here