Cali Khaliif Oo Ka Calaacalay Sida Uu Dhinac Walba u Seegay, Bulshadiisana Ugu Baaqay In Waqtigii ay Talo Midaysan Qaadan Lahaayeen La Gaadhay

0
13

“Xamar-na waxba kama nihin, Somaliland-na kama nihin. Puntland-na warkeedaba daa, bal imika Istaaga kuwa Puntland u sacabinaya ee leh Harti baanu nahayow istaag….”Cali Khaliif

Waxa uu Soo Jeediyey In Bulshada Deegaanada Khaatumo Looga Baahan yahay inay Aayahooda Eegaan Oo Go’aan muhiim ah Gaadhaan

cali khaliif g

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md.  Cali Khaliif Galaydh, ayaa si kulul uga calaacalay sida uu gabaabsiga u yahay cimriga iyo saamaynta siyaasadeed ee maamulkiisu ku leeyahay maamullada iyo dawladaha hareeraha ka xiga ee ay Somaliland kamidka tahay.

Isaga oo la hadlay qaar kamid ah  bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle, ayuu ugu horrayn sheegay in adduunku usoo jeestay sidii uu arrimaha Soomaaliya wax uga qaban lahaa, waxana uu si gaar ah farta ugu fiiqay in nabad diiradda la saaraa muhiimadda koowaad tahay,“Adduun weynuhu  wuu usoo jeestay Soomaaliya, shirka London waad maqlayseen, waxana weeye wada-hadallada Soomaaliya ayaanu wax ka qabanaynaa oo dawladda federalka ayaanu gacan siinaynaa, laakiin halka loo socdaa waxa weeye Soomaaliya nabadi waxa ay ka dhici kartaa in dhibaatada waqooyiga iyo kala go’a xal lagu daweeyo la helo,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Cali Cali Khaliif waxa uu soo jeediyey in wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waqtigan u dhexeeya shiishka lagu saaro sidii ay labada dhinac ahaan jireen sanadihii 1960-kii, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hore wada-hadallaa ugu socday Somaliland iyo Xamar, laakiin arrinta hadda loo socdaa waa in Waqooyi iyo Koonfur loo wada hadlo, markaa ninkii talo taas ka fiican hayow waanu kuu ducaynaynaaye keen, inagaana talo maanta u baahan.”

Isaga oo ka hadlay sida maamulkiisu go’doonka ugu jiro ee uga dhex baxay xukuumadda Somaliland, maamulka Puntland iyo weliba Soomaaliyada kale ayaa waxa uu yidhi, “Aduun weynihii baa maanta taas keenay inaga oo kaligeen ah meel isma taagi karno, Xamar-na waxba kama nihin, Somaliland-na kama nihin. Puntland-na warkeedaba daa, bal imika Istaaga kuwa Puntland u sacabinaya eel eh Harti baanu nahayow istaago oo la dooda halla idin qanciyee annagu horaanu uga qanacnee.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here