Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Maanta Lagu Wado Inay Ku Dhawaaqdo Go’aanka Dacwad Loo Haysto Saraakii WADDANI Katirsan

0
20

wwwwHargeysa:(Hubaal)-Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in  maanta oo Arbaca ah lagu wado in maxkamadda gobolka Hargeysa la hor keeno laba sarkaal oo katirsan xisbiga WADDANI, kuwaas oo in muddo ahba u xidhan dacwad loo haysto.

Labadan sarkaal ee natiijada kasoo baxday kiiskooda maanta lagu dhawaaqi doono ayaa waxay kala yihiin gudoomiyihii garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo muddo Laba Bilood ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa.

Fadhigan maanta ee maxkamadda ayaa ah mid furan sida naloo sheegay waxaana kaaso xaadiri doona masuuliyiinta xisbiga WADDANI,hay;addaha madaxa banaan ee  u dooda xuquuqda aadamaha, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,waxaana la filayaa in maxkamaddu ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo natiijada iyo go;aamada ay kasoo saartay dacwada ka socotay maxkamadda ee loo haysto labadan sarkaal.

Lama garanayo waxa ay natiijadu noqon dooonto,balse bulshada Somaliland ayaa u wada dhag taagaysa  go’aaanka soo bixi doona, waxase lagu wadaa inuu go’aankaasi soo amfeeri doono socoshadii kiiska loo haysto xubnahan siyaasiyiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here