“Lan cruiser-kan toddobaatankan kun ah Khayriyada soo dhiga, markaasaanu garanaynaa in qaadhaan ururintu idinka dhab tahaye….”Aadan Siiro

0
16

Hargeysa:(Hubaal)-Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa xubnaha katirsan golaha xukuumadda ugu baaqay inay qaadhaan ururinta iyagu iska bilaabaan, isla markaana ay noqdaan tusaale umaddu ku dayato oo ay ku bixiso wixii ay go’aansato inay bixiyaan.Sh-Aaden-Siiro-735x400

Sheekh Aadan Siiro oo shacabka masaajidka xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa Khudbad u jeediyey, ayaa ugu horrayn caddeeyey inuu qaadhaan ururinta si weyn usoo dhaweynayo, balse muhiimaddu tahay in nidaam loo sameeyo, waxana uu yidhi, “Aad baanu u taageeraynaa, naf iyo maalbana waanu ku bixinaynaa qaadhaanka, lacagta aynu ururinno haddii la ilaaliyo, dariiqeeda la mariyo, nidaam loo sameeyo oo dadka aynu ku kalsoonahay loo dhiibo oo faraha laga daayo wax bay taraysaa.”

Waxa uu sheekhu si kulul u canaantay xubnaha xukuumadda katirsan, waxana uu u soo jeediyey inay noqdaan tusaale wanaagsan oo ay bulshadu kaga dayato bixinta qaadhaanka, islamarkaana ay  umadda horteeda soo dhigaan hantida loo tirinayo, “Hantida waynu wada leenahay oo umadda leh, xukuumaddana waxanu leenahay Lancruiser-kan toddobaatankan kun ah Khayriyada soo dhiga, idinkana Vits miidhan baanu idin saaraynaaye, markaasaanu garanaynaa in qaadhaan ururintu idinka dhab tahaye, laakiin inta ay tahay hebel lacagta ha bixiyo iyo kuwa bakhtiyaya albaabada ku garaacaya, iyagana aynu ognahay salladahooda, qaabka ay u nool yihiin iyo qaabka ay carruurtoodu u nooshahay wax la aqbali karaa ma jirto,” ayuu yidhi sheikh Aadan Xaaji Maxxamuud Xiirey.

Hadalka Sheekha ayaa kusoo beegmaya xilli ay xukuumaddu ururisay malaayiin lacag ah oo ay shacabku ku ballan qaadeen inay kaga qayb qaadan doonaan dadka abaartu tabaalaysay, waxana ay tallaabadaasi noqotay mid ay shacabku si weyn ugu guuxeen, isla-markaana sababta inay hanti badan u huraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here