Baafin Hogaamiye…

0
19

Qalinkii: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Marka hore aan ka sii afeefto fasiraad khaldan oo laga samayn karo qoraalkan, oo aan xaqiijiyo in madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi in aan u hayo ixtiraam iyo galgacal badan oo xilkooda qaran iyo mid ehelnimo ahba, balse hadafka maqaalkani wuxuu la xidhiidhaa aragtidayda oo ka duwan qaabka ay dalka u wadaan, oo xidhiidh lama laha arrimo shakhsiyadeed.

Waxaan subaxii 18 May ka qayb galay xaflad lagu qabtay mutxafka aadka u qiimaha badan ee Saryan ee ay amaan weyn ku mudan yihiin hirgalintiisa Mudane Siciid Shukri iyo Marwadiisa sabaax oo dhigaal fiican u ah ummada JSL.

Waxa ka soo qayb galay musharaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi, waxaana kalmadiisa u badnayd wacdi la mid ah ka ay jeediyaan culimaa’u diinku iyo aqoon-yahanka aan iyagu wax xil ah gacanta ku haynin,  sida: (waxa mudan in aynu qaadka iska dayno… waxa dadka waawayn looga baahan yahay inay wax qoraan…. Waxa looga baahan yahay da’yarta inay ka faa’idaystaan taariikhda…iwm).

Intii uu hadlaayay mudane Muuse Biixi Cabdi hadlaayay waxaan is waydiinaayay talaw ma runbaa ninkan I hor taagan waa gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya, ee siyaasadda xukuumada haga, sidoo kale ma runbaa in ninkan I hor taagan uu yahay murashax madaxweyne.

Waan ka soo baxay xafladii markii ay duhurka ahayd ayaan daawaday khudbada madaxwaynaha, la yaabkii ugu waynaana markaasuu igu dhacay, markaan arkay madaxwaynihii qaranka JSL oo u hadlaya si qof aan wax xil ahi saarnayn oo aan masuuliyadi ka dambayn.

Dabcan waxaan aad u amaanayaa qaybtii hore ee khudbada madaxwaynaha ee uu ujeediyay dawlad isku-sheegga Soomaaliya, iyo baaqa uu u diray beesha caalamka ee ku saabsan xaqa Gooni-isu-taagga Somaliland, se laakiin wixii intaasi ka dambeeyay wuxuu ahaa amakaag ay dareemayso cidii in uun wax ka taqaanna hogaaminta.

Hogaamintu waa inaad qaadatid masuuliyada, hogaamintu waa inaad dareentid in lagaa sugaayo afcaal iyo tallaabooyin aad bulshadaada ku gaadhsiinaysid halka hadafkaagu uu yahay, balse hogaamintu maaha inaad noqotid qof shaqadiisu tahay inuu wacyigaliyo dadkiisa, in kastoo ay guubaabintu ka mid tahay shaqada hogaamiyaha, haddana se guubaabada ugu muhiimsan waa ta ku timaada ficilka maaha hadal qudha, ama waa in guubaabadu ay la socotaa shaqo kale oo aad dhab ahaan gacanta ku haysid.

Haddii hogaaminta la waayo madaxdu maxay isku badalaysaa???? Waxay isku badalayaan dad u shaqeeya sida maanta oo kale oo iyagu hadafkooda qudha uu yahay inay kursiga fadhiistaan ama sii haystaan, halka arrimaha danta guudna ay kolba u daba fadhiisanayaan shacabkooda si ay ugu leexiyaan kolba halka ay doonaan.

Bal aan u soo noqdo khudbada madaxweynaha oo aan in yar yara dul-istaago waxyaaba uu ka hadlay:

  1. Markii uu ka hadlaayay sicir bararka wuxuu madaxweynuhu u hadlay sida qof ka faalooda arrimaha dhaqaalaha oo wuxuu sharraxay arrimaha keenay sicir bararka, halka uu xooga khudbadiisa uu saari lahaa waxa ay qabatay xukuumadiisu ee ku saabsan sicir bararka.
  2. Marka uu ka hadlay abaaraha iyo kor u qaadka xaalada nololeed ee dadka wuxuu xooga saaray dhawr arrimood oo ay ka mid tahay:
  3. b) in dadku qaadka yareeyaan, anigoo mooday inuu baaqaasi u jeedinaayo madaxweyne kale oo ka sii sarreeya oo uu ka codsanaayo inay qaadka wax ka qabato.
  4. t) in dadku wax soo saar sameeyaan, iyadoo aan is waydiiyay talaw cida ku hogaaminaysa wax soo saarka waa ayo?
  5. j) in aynu la nimaadno qorshayaal: talaw ma shacabkaa wax qorshaynaya mise xukuumada uu madaxda u yahay?

Bal aan idiin soo bandhigo hadalka madaxwaynaha oo qoraal ah siiba intii ugu dambaysay:

(((Sidaa darteed, waxaa inala gudboon:

  1. In aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna.
  2. In aynu kor u qaadno wada jirkeenna, iyo waddan jacaylkeenna, isla markaana aynu ubadkeenna ku ababino arrimahaa.
  3. In aynu wax weyn ka beddello qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.
  4. In aynu xoog saarno wax soo saarka beeraha iyo kalluunka.
  5. In aynu qabanno doorasho xor iyo xalaal ah, xilligii loogu talo galay ee 13-ka November, 2017-ka, isla markaana muujinno bulsho ahaan, hab-dhaqan ku dhisan baraarug iyo bisayl badan, sidii caadada inoo ahayd.
  6. In aynu joojinno ama yarayno cunista Qaadka, kaas oo adhax jab ku ah nolosheenna dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo Caafimaadka.
  7. In aynu la nimaadno qorshayaal aynu ku qabanno biyaha badan ee badda ku shubma.
  8. In aynu dhaqan gelinno wareegtooyinkii aanu soo saarnay ee lagu daryeelayey daaqa, duur-joogta iyo deegaanka.
  9. In ay joojiyaan hudheellada waaweyn ee cuntada lagu kariyo adeegsiga dhirta iyo dhuxusha, si looga hor-tago xaalufka dhirta, waxa lagama maarmaan ah in ay ku beddelaan gaasta, oo ah mid haataan qiimo ahaan aan ka qaalisanayn.
  10. In aynu abuurro mashaariic salka ku haysa isku tashi iyo iskaa wax-u-qabso, taas oo waajib ka dhigaysa in arday kasta oo ka soo baxa Dugsi Sare, ama Jaamacadda Heerka Koowaad ka qalin jabiya, in uu qarankiisa u shaqeeyo wakhti xaddidan oo xeer jideeyey.
  11. In aynu ba’abiinno xidhmooyinka dhulka sharci darrada ah, isla markaana aynu soo celinno nidaamkii seerayaasha.
  12. In aynu dhiiri-gelinno, isticmaalka Cumladdeena, isla markaana ummad ahaan isugu naxariisanno sicirka badeecadaha suuqa.)))

Akhriste tijaabadan aan kugu cariyo:

Waxaad khudbadan hor dhigtaa qof kale oo aan dhagaysan khudbadii madaxwaynaha, oo waxaad ku tidhaahdaa (maqaalkan ayaan qoree bal ka waran?) haddii uu kugu ogaado oo uu yidhaahdo tani waa khudbad uu madaxweyne uun jeedin karo, maqaalkaygan waxaad ka soo qaadaa mid aan qiimo lahayn, balse haddii uu dareemo in khudbadani ay tahay mid cid waliba jeedin karto, fadlan ila baafi in dalkeenu hogaamin u baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here